Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Bogaadiyey Wadamo Kaalin Ka Geystay Dhismaha Dekedda Maydh

0
1077

Hargeisa (Hargeisa Press)– Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku bogaadiyey dalalka Somaliland ka taageera dhinaca Horumarinta dhismaha dekedda Kalluumaysiga ee laga hirgelinayo Magaalada Maydh ee gobolka Sanaag.

Qoraal uu Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ku daabacay bartiisa Twitterka, ayaa hambalyeeyey dalalka Denmark, UK Netherlands iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF gacanta ay ka geysteen dhismaha marsadda Kalluumaysiga Maydh oo shalay la dhagax dhigay.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in dekedaasi ay saameyn ku yeellanayso Nolosha Lix Boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here