Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Ahna Kusimaha Madaxweynaha Ayaa Maanta Ka Qey Galay Xaflad Lagu Xusaayey Maalinta Deegaanka + SAWIRRO

0
1682

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Deegaanka iyadoo xafladan lagu adkaynaayey maalinta deegaanka.

????????????????????????????????????
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mud, Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaacil Saylici
????????????????????????????????????
Kooxda Dhaqanka ee SOCSA

Waxaana halkaasi ka hadlay wasiiro badan oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku, sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay Wasiirka Deegaanka  Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare kuna dheeraatay xuska iyo qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku iyadoo ka warbixisay siday ka wasaarad ahaan uga hawl galeen ilaalinta iyo dhawrista deegaanka , Wasiirku waxay ku soo dhawaysay Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

????????????????????????????????????

Madaxweyne Ku xigeenka iyo Qaar ka mida Golaha Wasiirada

Madaxweyne ku xigeenkuna waxa uu halkaasi hambalyo uga diray cid kasta oo ku hawlan ilaalinta deegaanka, gaar ahaana wasaaradda deegaanka oo mudooyinkii u danbeeyey ku hawlan ilaalinta iyo dhawrista deegaanka xilweyna iska saartay.

????????????????????????????????????
Wasiirka Deenganka Somaliland Marwo Shukri
????????????????????????????????????
Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka oo Somlailand Laga Xusay

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here