Madaxweyne Biixi oo Kulan La Qaatay Golaha Amaanka Qaranka Ee Mareykanka

0
806

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayay, ayaa maalintii Afraad ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa, ayaa sidoo kale kulan la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka socota Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka (National Security Council).

Waxaana kulankaa lagaga wadahadlay iskaashiga, nabadgelyada iyo dimuquraadiyada iyo horumarinta. sidoo kale madaxweynaha qaranka Somaliland iyo weftigiisu waxay kulamo kale la yeesheen hay’adda Caalamiga ah ee dimu-quraadiyada qaranka Maraykanka (National Endowment for Democracy) iyo Baanka Adduunka (World Bank).

Safarka Shaqo ee Madaxweyne Biixi ku joogo Mareykanka oo qaadanaya ilaa 19-ka bishan March, ayaa ka dambeeyay kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Mareykanka, waxaanu kulamo la qaadan doonaa waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon oo uu ugu horreeyo Wasiirka Difaaca Lloyd James Austin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here