Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Heshiiska Itoobiya iyo Qaddiyadda Aqoonsiga

0
3229
madaxweyne-biixi-oo-balanqaad-ka-sameeyay-arrinta-doorashada
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Somaliland u halgamayso sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd Beesha Caalamka, kaasi oo ay ku taamaysay 33-kii sannadood ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland, sidaasi kaga hadlay warbixin dheer oo uu siiyay Wargeyska Fanancial Times.

Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi caddeeyay in heshiiska Isfahan ee ay la galeen Itoobiya uu Somaliland fursad u siinayo inay taageerto dedaalka caalamiga ah ee ilaalinta maraakiibta gacanka Cadmeed iyo badda cas. Halkaasi oo ay ka jirto qulqulatooyin nabadgelyo darro.

Wuxuu bayaamiyay Madaxweynaha Somaliland in Itoobiya ay saldhig millateri oo badda ah ka samaysanayso xeebta Somaliland, iyadoo Somaliland-na ay ku doorsatay in Itoobiya aqoonsato qarannimada madaxbannaanida Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu xusay in heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya uu xaqiijinayo himilada iyo tubta loo marayo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalamiya.

Madaxweyne Biixi wuxuu intaas ku daray in aqoonsigu uu u horseedi lahaa inay Somailand kasbato maalgelin dheeraada, iyadoo dhaqaalaha dalka oo ah  $3.4 Bilyan Doolar uu ka soo galo Somaliland ganacsiga badda, xawaaladaha iyo dhoofka xoolaha.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadallada Soomaaliya ku andacootay in heshiiska Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu kordhinayo kooxaha xagjirka ah.

Wuxuuna sheegay Madaxweyne Biixi inuu rajaynayo in ummadda Somaliland ay taageeri doonaan heshiiska ay xukuumadiisu la gashay Itoobiya oo ay socoto qorshihii lagu dhammaystiri lahaa.

Wargeyska Fanancial Times wuxuu weriyay in xafiiska madaxweynaha Somaliland uu yaallo nuqulkii heshiiskii Somaliland madax-bannaanideeda kaga heshay Ingiriiska sannadkii 1960kii, kadibna ay  la midowday Soomaalidii uu xukumi jiray Talyaanigu.

Waxa kaloo ay ka hadleen halgankii qadhaadhaa ee ay Somaliland u soo martay dib u hanashada madax-bannaanida ay ku naalloonayso.

Warsiduhu waxa uu ku ammaanay Somaliland nabada iyo dawladnimada ka hano-qaaday ee ay u dhan yihiin laamaheedii kala duwanaa oo doorasho ku yimid.

Waxa kaloo Fanancial Times uu soo bandhigay in Somaliland leedahay lacag iyo baasaboor, isla markaana ay xafiisyo ku leeyihiin caasimada Hargeysa dalalka Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Itoobiya iyo Taiwan.

https://www.ft.com/content/c4593986-94dd-478b-96db-ac070e99861e

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here