Jaamacadda Jigjiga oo Marti-gelisay Madasha Ka Faa’iidaysiga Dhaq-dhaqaaqyada Socdaalka Marinka Berbera

0
1089

Jigjiga (Hargeisa Press)- Jaamacadda magaada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa marti-gelisay madasha ka faa’iidaysiga dhaq-dhaqaaqyada socdaalka ee marinka dhaqaalaha Berbera (Berbera Corridor).

Kulankan, ayaa waxaa Dowladda Somaliland uga qayb galay qaar ka mid ah Maayirada dalka, kuwaasi oo kala ah Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Maayirka magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame, Maayirka magaalada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar iyo Maayirka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Cidin.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa isna ka qayb’galay madashan oo ay ka soo qayb’galeen masuuliyiin heer fadaraal ah.

Marinka dhaqaalaha Berbera, ayaa la filayaa in uu kor u qaado ganacsiga, iskaashiga dhaqaale iyo xoojinta xidhiidhka shacabka Itoobiya, gaar ahaan Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida.

Waxaana kulankan inta uu socdo la yeelan doonaa dooddo lagu dul istaagayo hababka ugu fudud ee looga faa’iidaysan karo Marinka dhaqaalaha Berbera.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here