Cusbitaalka Hargeysa oo Soo Saaray Tirada Bukaanada Loo Sifeeyay Kelyaha

0
1220

Hargeysa (Hargeisa Press)- Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ee ay dowladu maamusho, ayaa waxaa uu soo saaray tirada Dadka Bukaanada ah ee ay u sifeeyeen Kelyaha.

Warbixin uu soo saaray Cusbitaalku, ayaa lagu sheegay in 6-dii Bilood ee ugu Danbaysay Bukaanada Kelyaha loogu Sifeeyo Hargeisa Group Hospital Tiradoodu ay Gaadhay 145 bukaan.

Hoos ka akhriso warbixinta uu soo saaray Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

“6dii Bilood ee ugu Danbaysay Bukaanada Kelyaha loogu Sifeeyo Hargeisa Group Hospital Tiradoodu waxay Gaadhay 145 bukaan, 101 kamid ahi waa Rag halka 44 kamid ahani Dumar yihiin.

51 kamid ah Waxa kelyaha Fadhiisiyay waa inuu wada hayo Xanuunada Macaanka iyo Dhiigkarku, 91kamid ah Dhiigkar keliya ayaa kelyaha fadhiisiyay, 2 kamid ah Macaan kaliya ayaa kelyaha  fadhiisiyay, Halka 1qof oo kamid ahi uu lahaa Kelyo xanuun.

110 kamid ahi Waxay Da’doodu ka weyn tahay 40 sano, 30 kamid ahi waxay da,doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 jir, halka 5 kamid ahi ay Da,doodu ka yartahay 20 sano.

Fiiro Gaar ah: Bukaan kasta Halkii Mar ee kelyaha loo sifeeyaa Waxay ku qiimaysan tahay inta u dhaxaysa 35 ilaa 50 Dollars, Dhamaan kharashaadkaas waxa laga bixiyaa Miisaaniyada Qaranka Somaliland.

Talo Caafimaad:

1.In Bukaanada Qaba Xanuunada Macaanka iyo dhiigkarku ay Dawadooda ilaashadaan

2.In Jimicsiga lagu dedaalo

3.In Cunto Caafimaad qabta la quuto oo aan lahayn Milix iyo Macaan badan

4.In Qofkastaa ka warhayo Xaaladiisa Caafimaad

5.In Soomka lagu dedaalo

6.In Balwadaha laga dheeraado

7.In la iska ilaaliyo qaadashada Daawooyinka aanu Dhakhtar qorin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here