Madaxweyne Biixi Oo Hanbalyo U Diray Ciidamadda Qaranka Somaliland

0
509

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray ciidamada qaranka xuska sannad guurada aasaaska ciidanka qaranka Somaliland oo beri ku began.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.
Dhanbaalkaasi hanbalyadda ahna waxa uu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku xigeennada, ilaa dable, meel ay joogaanba xuska sannad guuradda 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Qaranka Somaliland.
Kuna beegnayd bishii labaad labadeedii sanadkii 1994-kii (02/02/1994) oo ku beegan Arbacada Berri.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyo taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska ciidanka naftood hurayaasha qaranka meel ay ka joogaanba.
Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo bash-bash, halkaana ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhallinta himilada iyo adkaynta difaaca dalka iyo dadka Somaliland.
Taasoo ah mid ay shacbiga Somaliland muddadaa 28-ka sanno ah kaga gam’een ciidamada qaranka kalsooni iyo adkaynta jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland”.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here