Madaxweyne Biixi oo Eedaymo Culus U Jeediyay Farmaajo

0
2825

Hargeisa (Hargeisa Press) –Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa ka hadley isbedelada Siyaasadeed ee ka socda wadamada Geeska Afrika.

Waxaanu madaxweynuhu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay isku duubni ku wajahaan isbedelada dalalka Geeska Afrika ka socda.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadley Doorashada goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka, arinta kootada Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay iyo arimo kale oo door ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay maamulka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in ay dagaal dublamaasiyadeed ku soo qaaday dalka Somaliland iyadoo ka faa’idaysanaysa ictiraafka ay ka haysato wadamada beesha caalamka.

Hoos ka daawo muuqaalka khudbada madaxweynaha oo dhamaystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here