Madaxweyne Biixi oo Dowladda Kenya Ka Tacsiyadeeyay Geerida Mwai Kibaki

0
1207

Hargeysa (Hargeisa Press) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray dowladda Kenya isaga oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki.

Mwai Kibaki, ayaa ku geeriyooday da’da 90-sano, waxaana lagu xasuusan doonaa inuu ahaa dhaqaale yahan aad u xeel dheer oo dalka u horseeday dhabaha kobaca dhaqaalaha.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay inuu aad uga xun yahay geerida ku timid Mwai Kibaki, Madaxweynihii hore ee Kenya.

Wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Shacabka iyo Dowladda Kenya, iyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Madaxweyne Emilio Mwai Kibaki.

Geeridiisa, ayaa waxaa lagu sheegay khudbad uu telefishinka ka jeediyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo aan sheegin sabab iyo tafaasiil kale.

Intii uu ku dhawaaqayay dhimashada Kibaki, Kenyatta waxa uu dib u soo xusuustay hawlihiisii ​​dheeraa ee uu u soo qabtay bulshada, oo ay ku jirto in uu ahaa xildhibaan muddo konton sano ah.

Mwai Kibaki, ayaa wuxuu ahaa siyaasi Kenyan ah oo soo noqday Madaxweynihii saddexaad ee Kenya laga soo bilaabo Disembar 2002 ilaa Abriil 2013.

Waxa uu hore u soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka afraad ee Kenya muddo toban sannadood ah oo u dhaxaysay 1978 ilaa 1988 oo uu Madaxweyne ka ahaa Daniel Arap Moi.

Waxa kale oo uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowladihii Jomo Kenyatta iyo Daniel arap Moi, oo uu ku jiro wasiirkii maaliyadda (1969–1981) ee Kenyatta, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha (1982–1988) iyo Wasiirka Caafimaadka (1988–1991) ee Moi.

Kibaki waxa uu soo noqday xildhibaan mucaarad ah 1992 ilaa 2002. Waxa uu ku guul daraystay in uu u tartamo madaxtinimada 1992 iyo 1997. Waxa uu noqday hogaamiyaha mucaaradka rasmiga ah ee baarlamaanka 1998 ilaa 2002. Doorashadii madaxtinimo ee 2002, ayaa loo doortay Madaxweynaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here