Madaxweyne Biixi oo Baaq Garnaqsi Ah U Diray Beesha Caalamka Ee Ka Caga-jiidaysa Horumarka iyo Dowladnimada Somaliland 

0
2655

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xidhitaanka shirweynaha 4-aad ee xisbiga Kulmiye ayaa waxaa uu baaq culus oo garnaqsi ah u diray Beesha Caalamka.

Madaxweyne Biixi oo ugu horrayn ka hadley shirka xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu bogaadiyey guddidii qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxaa uu sidoo kale hambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo bilaabmay Shidan oo katirsan gobolka Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas nabadda lagu xoojinayo.

Shacabka u caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay tallaabo loogu dhawaanayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu yidhi.

“Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu baaq garnaqsi iyo hogo-tusaalayn ah u diray beesha caalamka ee ka caga-jiidaysa horumarka iyo dawladnimada Somaliland ka hana qaadday, isaga oo gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo dawladnimadeeda.

“Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen, waxannu leenahay in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu leenahay ma qabato Somaliland Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo khudbada madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here