Madaxweynaha Somaliland Oo Isugu Yeedhay Wasiirada Xukumadda iyo Agaasimeyaasha Guud + Muuqaal

0
853

HARGEISA, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa iskugu yeedhay golihiisa xukumadda. Kulankan oo noociisu cusbaa ayaa la iskugu yeedhay dhammaan golaha wasiirada iyo agaasimeyaasha guud ee Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa ujeedka kulanka ku sheegay is xog waraysi, dardar galinta hawlaha loo igmaday, adkaynta xidhiidhka xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, toosinta dhaliilaha dhabta ah ee jira iyo kala qaadashada talo iyo tusaale wixii dan loo akro.

 

Kulankan ayaa yimid maalmo kadib markii guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa ee wakiilladu soo bandhigtay warbixin tilmaantay heerka maamul daadajineed ee wasaaraddaha dawladda. Warbixinta ayaa soo bandhigtay inaanay badi wasaaradduhu sidii loogu talo galay uga hawlgalin gobolada dalka, balse shaqadu Hargeysa ku soo ururtay.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here