Suxufiyiin Hargeysa Ku Xidhnaa Oo Xorriyadooda Dib U Helay + Muuqaal

0
885

HARGEISA, (HargeisaPress) β€” Suxufiyiinta Rashiid Nuur iyo Siciid Khadar oo 30-kii bisha dhammaatay lagu xidhay Hargeysa ayaa dib u helay xorriyadooda, kadib markii xeer ilaalintu xabsiga dhigtay iyaga iyo wargeyskooda Hubsad.

 

 

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay inay ku guulaysteen in xeer ilaaliyaha guud ka aqbalo dedaallo lagu soo daynayay Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Saciid Khadar Cabdillaahi oo madax ka ah wargeyska Hubsad oo xukumaddu ku dhegan tahay sharciyaddiisa.

 

Mudane Xuuto wuxuu saxaafadda ugu baaqay inay hab suuban oo sharci ah ula garramaan cidii wax dhexmaraan, si looga baaqsado xadhig.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here