Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Gudida Ka Soo Tala Bixinta Sixir Bararka Ka Jira Dalka

0
845

HARGEISA, (HargeisaPress) β€” Β Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.

Β 

Xubnaha Gudida

  1. Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)Β Β Β Β Β Β Β Β Β 
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)Β Β Β Β Β Β 
  3. Wasiirka Wasaaradda MadaxtooyadaΒ Β Β Β Β Β Β Β  JSLΒ Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β 
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha GudahaΒ Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β 
  5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSLΒ Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β  Β Β Β Β Β Β Β Β Β 

 

UJEEDDO:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β Β  Magacaabid Guddi

 

Mudanayaal iyo Marwo;

 

Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeena waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba Mudanayaal iyo Marwo, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here