Madaxweynaha Somaliland Oo Bulshada Faray Salaad Roob Doon Ah iyo Roobka Oo Dib Uga Curtay Hargeysa

0
1026

Sida aynu la socono Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland Mudane Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Waxa uu Amray in Dadweynaha reer Somaliland  ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalku ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta Axadda ee 26ka bishan April 2014ka  kuna Beegan 7da Bisha Rajab ee 1436ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:00 Siddeedda subaxnimo , taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo , salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka ay sidan oo kale uu Roobku inaga dib dhaco, Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo  Alla ka cabsi  iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana Wixii wanaag ah in la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga manta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd  sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno .Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.

 

 

Sh. Khalil C/llahi Axmed

Wasiirka wasaaradda Diinta & Awqaafta JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here