Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo sheegay inuu dib u celinayo lacag muran dhalisay

0
801

LONDON — Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa sheegay inuu dib u bixiyo lacago muran badan dhaliyay ee uu ku casriyeeyay Amniga Qasriga uu Gaarka u Leeyahay ee ku yaalla Tuulada Nkandla ee Miyiga Gobolka KwaZulu Natal ee dalka Koonfur Afrika.

 

Jacob Zuma ayaa ku sheegay Bayaan uu soo saaray xilli dambe oo Talaadadii shalay ahayd inuu Qorshahaan u diray diiwan-hayaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Waddankiisa.

 

Sidoo kale, baaritaan musuq-maasuqan oo ay hor-kacaysay dacwad-ooge, Thuli Madonsela ayaa Sannadkii 2014-kii lagu shaaciyay inuu madaxweyne Jacob Zuma si xad-dhaaf ah uga faa’iidaystay lacagta Qaranka.

Waxay ku eedaysay Zuma inuu ku kacay Hab-dhaqan aan Fiicnayn, iyadoo Warbixinteeda lagu ogaaday in barkad lagu dabaasho, goob digaaga lagu Xannaaneeyo, Xeryo Lo’da lagu hayo iyo Masraxyo ay ka mid ahaayeen goobaha Qurxinta lagu sameeyay.

04Safrica-web-master675

 

Ugu dambeyntii, Maxkamaddu waxay ku talisay inuu Madaxweynuhu dib u bixiyo qayb ka mid ah lacagaha loo isticmaalay waxyaabaha aan amaanka la xidhiidhin. Iyadoo Wadarta guud ee kharashka lagu casriyeeyay Ammaanka ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa 10-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here