Madaxweynaha JSL Oo Booqanaya Fadhiisinka Ciidanka Qaranka Ee Oogg

0
1260

Oogg (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu safar ku tago fadhiisimadda ciidamadda qaranka ee degmada Oog oo ka tirsan gobolka Sool.

Booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho mid uu niyadda ugu dhisayo ciidamada halkaas ku sugan.

Kadib markii ay ciidamadda qaranka Somaliland Jimcihii todobaadkii hore qorshe dib u gurasho xeel dagaal ah ku yimaadeen degmadda Oog.

Degmada Oog waxaa ku sugan ciidamada Somaliland ee joogi jiray Laascaanood iyo kuwa kale oo lagu soo kordhiyay.

Sidoo kale degmada Guumeys oo 21-KM u jirta Oog ayaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, uu dhawaan keeyay ciidamo.

Kuwaasoo ay qayb ka yihiin maleeshiyaaska huwanta, iyo kooxaha argagixisadda ah ee mudadda 8 bilood ah ciidamadda qaranka Somaliland ay kula dagaalamayeen magaaladsa Laascaanood.

Waxaana maalmahanba aagaasi laga dareemayaa saan-saan colaadeed, iyadoo na Somaliland sheegtay in ay ka jawaabi doonaan wax ay ku tilmaameen “weerarkii lagu soo qaaday ciidanka Goojacadde jooga”.


Taasoo lagaga jawaabayo ka soo bixidii ciidamadda qaranka ee magaaladda Laascaanood, isla markaana lagu sugayo xuduudaha jamhuuriyadda Somaliland.

Booqashadda madaxweyne Biixi, uu ku tegayo jiidda hore ee fadhiisinka ciidamadda qaraka ayaa la filayaa inuu halkaa kula hadli doono ciidamadda, isla markaana uu u jeedin doono khudbad dhiiri gelin ah.

Iyadoo na ay muuqato diyaar garow weyn ee ay maalmahan wadeen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo isku diyaarinaya weerar xoogan ay magaaladda Laascaanood iyo guud ahaanba gobolka Sool kaga sifaynayaan kooxaha huwanta ee argagixisadda iyo maleeshiyaadka ah ee ku sugan Sool.

Sidoo kale diyaar garowga, iyo abaabulka ciidanka qaranka Somaliland ayaa noqonaya mid lagu sugayo xuduudaha dalja, iyo sugida amaanka ee goboladda barriga, iyo sidoo kale in kooxaha huwanta ah laga sifeeyo gobolka Sool.

Geesta kale booqashadan madaxweyne Muuse Biixi, uu ku tegayo fadhiisinka ciidanka qaranka ee ugu weyn goboladda barriga, ayaa la filayaa inay ku wehelin doonaan xubno ka mid ah golaha wasiirrada, iyo masuuliyiin kale.

Waxaana la filayaa in booqashadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee fadhiisinka ciidanka qaranka ee Oog, kadib in ay ciidamadu qaadi doonaan weerar lagu soo af-jarayo kooxaha isa soo baahaystay ee khal-khalka iyo amaan darrada ka wada gobolka Sool.

Dhinaca kale weerar dagaal oo ay xiligan qaadaan ciidamadda qaranka Somaliland ayaa noqonaya mid ay si buuxda dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland u taageersan yihiin.

Taasoo wakhtigan fursad u noqonaysa xukuumadda Somaliland, isla markaana dhiiri gelin iyo garab is-taag ay shacabku u muujiyeen u noqonaysa ciidamadda qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan uu madaxweyne Biixi, ku tegayo furimaha hore ee fadhiisinka ciidanka qaranka ee Oog, ayaa noqonaysa tallaabo lagu dhiiri gelinayo ciidamadda qaranka, si daawo loogu hello jabkii todobaadkii hore soo gaadhay.

Waxa kaloo booqashadda madaxweynaha loo arkaa in ay tahay bilawga duulaan xoogan oo ay Somaliland qorshaynayso in ay mar kale dib ugu qabsato gobolka Sool, halkaasoo horaantii sanadkan dib looga soo riixay, iyadoo na ka soo bixistii u danbaysay ee Laascaanood ay dhacday Jimcihii todobaadkii hore.

Dagaalkan rogaal-celiska ah ee la filayo in ciidamadda qaranku ay qaadaan maalmaha soo socda ayay si weyn uga qayliyeen maamulka isku magacaabay Khaatumo, iyo garraadadda mabad-diidka ah ee gobolka Sool.

Kuwaasoo ka cabsi qaba in haddii ay weerarka rogaal-celiska ah qaadaan ciidamadda qaranku in ay dhirbaaxo xoogan u gaysan doonaan maleeshiyaadka ay Laascaanood ku ururiyeen, isla markaana uu khasaare balaadhani soo gaadhi doono.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here