Somaliland Oo Canbaaraysay Qaabka Loo la Dhaqmay Maxaabiista Lagu Hayo Laascaanood

0
513

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa canbaaraysay qaabka loo la dhaqmay Maxaabiista Somaliland lagaga qabtay dagaalkii todobaadkii hore ee ku xidhan magaaladda Laascaanood.

Waxaanay Somaliland wax aad looga xumaado oo bini’aadan-nimadda ka baxsan ku tilmaantay tacadiyadda lagu la kacay Askarta Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Jimcihii hore ee 25-kii bishan August.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, war-saxaafadeedkaasi ayaana lagu cadeeyay jidh-dilka, iyo tacadiyadda lagu la kacay maxaabiista, iyo Maydadka ay hayaan kooxaha huwanta Laascaanood.

Iyadoona maalmihii la soo dhaafay ay baraha Internet-ka ku wareegayeen muuqaallo iyo Sawirro aan tiro lahayn oo muujinaya Askarta Somaliland oo si arxan darro ah loo jidh-dilayo, iyo muuqaalo muujinaya sida loo bahdilay Maydadka askarta dhimatay.

Waxaana war-saxaafadeedkaasi lagu yidhi “Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, waxay si adag u canbaaraynaysaa wararka iyo muuqaallada lagu faafinayo Internet-ka ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bini’aadantinimada ee lagula kacay Askarta Somaliland ee la qabtay Jimcihii 25-kii August.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha Internet-ka ee kala duwan, ku wareegayay Muuqaallo iyo Sawirro aan tiro lahayn oo muujinaya Askarta Somaliland oo si arxan darro ah loo jidh-dilayo, iyo muuqaalo muujinaya sida loo bahdilay Maydadka askarta dhimatay”.

Waxa kaloo ay Somaliland war-saxaafadeedkaasi ugu baaqday dhinacyadda ku lugta leh inay ula dhaqmaan Maxaabiista dagaalka si waafaqsan Axdiga 3aad ee Geneva.

Waxaana warkaasi lagi yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu xasuusino dhammaan ba dhinacyadda ku lugta leh, inay ula dhaqmaan Maxaabiista dagaalka (POWs), si buuxda si waafaqsan Axdiga 3aad ee Geneva, iyo sidoo kale caadooyinka Islaamka. Sida ku cad Quraanka kariimka ah ee daaweynta POWs xilliyada colaadaha”.

Dhinaca kale Somaliland ayaa ugu baaqday wadamadsa beesha caalamka inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladdan, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo in arrintani wax laga qabto.

Iyadoo na ay lagama maar-maan tahay in maxaabiista ciidamada Somaliland iyo sidoo kale Maydadka dadka dhintay loo daaweeyo si la mid ah heshiisyadda caalamiga ah ee ay Somaliland ku dhaqantay, tan iyo markii ay bilaabantay colaadda gobolka Sool.

“Waxaanu u soo jeedinaynaa beesha Caalamka, inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladdan, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyinka lagama maar-maanka ah ee lagu xaqiijinayo in maxaabiista ciidamada Somaliland iyo sidoo kale Maydadka dadka dhintay loo daaweeyo si la mid ah axdiyadii ay xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqantay.

Tan iyo markii ay bilaabantay colaadda gobolka Sool”ayaa lagu yidhi warkaasi ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here