Madaxweynaha Imaaraadka oo Markii Ugu Horeysay Booqday Qatar

0
492

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii la soo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xidhiidhka labada dal.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha ku soo dhoweeyay Amiirka Qatar, iyada oo socdaalkiisa uu ku soo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii January 2021, markaasi oo la soo geba-gebeeyey xayiraad billaabantay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.

Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, “ayaa dhiseysa xidhiidhka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,” waxaa sidaas yidhi mas’uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM.

Koobkii ugu horreeyey Adduunka ee lagu qabto dhul Cabreed, ayaa dhacaya wax kayar laba sano kadib markii markii Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ay xidhiidhka u jareen Qatar iyaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, islamarkaana ay aad ugu dhowdahay Iran, eedeymahaas oo Doha ay beenisay.

Hoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman, ayaa hore ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka.

Inkasta oo tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee madaxweynaha Imaaraadka tan iyo dhammaadkii xanibaadda, xidhiidhka labada dal ayaa u soo hagaagayey si tartiib ah.

Bishii May, amiirka Qatar, ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here