Soomaaliya iyo Dalalka Urur Goboleedka IGAD oo Ku Heshiiyay Hal Arrin

0
976

Khartoum (Hargeisa Press) – Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa ay wada gaadheen heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka.

Heshiiska ay wada gaadheen Soomaaliya iyo dalalka ka tirsan urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa lagu saxeexay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan.

Dowladda Uganda, ayaan ka mid ahayn saxeexayaasha heshiiska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka iyo hab-maamuuska aadanaha, Sida laga soo xigtay Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu.

Xoghayuhu ma bixin wax tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska laakiin wuxuu ku tilmaamay guul aad u weyn oo horrumarka gobolka ah.

Ururka IGAD ee bariga Afrika oo la aas aasay 1996-kii, ayaa beddelay urur goboleedkii IGAD oo la aas aasay sanadkii 1986-kii si wax lagaga qabto masiibooyinka dabiiciga ah.

Xubnaha hadda jira waxaa ka mid ah Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda.

Eritrea oo xubin ka ahayd IGAD, ayaa waxay ka baxday sanadkii 2007 ka hor inta ayna soo laaban sannadka 2016, balse wali kama aanay soo xaadirin inta badan shirarka IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here