Madaxweynaha Djibouti Oo Maanta Soo Xidhay Ololihiisa Doorashada + SAWIRRO

0
1147

Djibouti, (HargeisaPress) —Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UMP, Ismaaciil Cumar Geelle, ahna madaxweynaha Jabuuti ayaa maanta kusoo gunaanaday degmada Cali-sabiix ololahiisa doorshada ee gobollada waddanka Jabuuti.

 

Boqollal Shacab ah, ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Cali-sabiix ee Gobolka Cali-sabiix oo ay ka dhacaysay ololihii ugu dambeeyay ee doorashada Murashax Xisbiga UMP Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasoo uu kula hadlay shacabkii isugu soo baxay.

8-15 (1)

Xafladda xiritaanka ololaha Doorashada Murashaxa Xisbiga UMP, ayaa waxaa ka Qayb-galay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle – ahna Musharraxa Xisbiga talada haya, mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga iyo dadweyne aad u fara badan.

Ololaha Doorashooyinka djib

Shacabkii isugu soo baxay Xarunta Gobolka Cali-sabiix, ayaa waxay halkaas ka muujiyeen taageerada ay u hayaan Xisbiga Aqlabiyada madaxtooyada ee UMP, iyadoo mas’uuliyiinta Gobolka Cali-sabiix oo halkaas ka hadlay ay sheegay in ay diyaar u yahiin sidii ay u garab-istaagi lahaayeen madaxweyne Geele.

Ololaha_Doorashada_Jabuuti (3)

Musharaxa xilka madaxweynaha ee Xisbiga UMP, Ismaaciil Cumar Geelle oo isagana kula hadlay goobta dadweynihii isugu yimid – ayaa sheegay in uu doonayo inuu dalka Hururmar gaarsiiyo dalka Jabuuti, gaar ahaan gobolka Cali-sabiix.

khadra xay

 

Dalka Jabuuti oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika, ayaa waxaa shantii Sannaba mar ka dhacda doorashada madaxweynenimada iyadoo dhowr jeer oo is xiga dadka Jabuuti doorteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen inuu yahay mas’uul Jabuuti ka qabtay hawlo badan oo la taaban karo.

Ololaha_Doorashada_Jabuuti (2)

 

Doorashada Hoggaanka Dalka Jabuuti ayaa dhacaysa 08-da Bisha Abril ee sannadkan 2016, oo ku beegan Jimcaha soo socda, waxaana Doorashadan u taagan illaa lix musharax oo ku kala tartamaya Xisbiga Mucaaradka ah ee USN iyo Xisbiga Aqlabiyadda Djibouti ee UMP.

 

 

Muna Yusuf  HargeisaPress —  Djibouti

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here