Madaxweynaha Dalka Taiwan Oo Qaabilay Dr. Edna Aadan

0
980

Taiwan (HP): Madaxweynaha waddanka Taiwan Tsai Ing-Wen, ayaa xafiiskeeda ku qaabishay ergayga madaxweynaha Somaliland u qaabilsan wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil.


Dr. Edna Aadan Ismaaciil, oo safar shaqo ku joogta dalka Taiwan, waxaa kulankaasi ku wehelinayay qaar ka mid ah dadkii ku guulaystay Abaalmarinta “26th Fervent Global Love of Lives Awards” oo ay bixiso Chou Ta-Kuan Cultural and Education Foundation.

War kooban oo qoraal ah oo kulankaas laga soo saaray ayaa lagu sheegay in daryeelka caafimaadku uu ka gudbay xudduudaha caalamiga ah isla markaana uu si wada jir ah u bedeli doono masiirka kuwa sida wanaagsan wax u wada.

Waxa kale oo kulankaas ka qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here