Kulan Lagu Gorfaynayo U Diyaar Garowga Aafooyinka Dabiiciga ah Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
321

Hargaysa (HP): Haayadda u diyaar garowga Aafooyinka, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa kulan uga furtay haayaddaha dawladda ee ay bah-wadaagta ku yihiin arrimaha maaraynta masiibooyinka.

Kulankaasi oo uu furay guddoomiyaha haayadda u diyaar garowga Aafooyinka, iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayay u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta bulshadda, isla markaana loo siin lahaa tababaro la xidhiidha maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale waxaa kulankaasi inta uu socdo dib u eegis lagu samaynayaa buug ku saabsan arrimaha maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah oo ay hore u soo saartay haayadda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagu gorfaynayaa qaabka ugu haboon ee loogu diyaar garoobayo aafooyinkan joogtadda ah ee dhaca, kuwaasoo aan ahayn wax dalkeena oo keliya ku kooban, balse ka dhaca wadamadda gobolka Geeska Afrika, iyo caalamka kaleba.

Guddoomiyaha haayadda u diyaar garowga Aafooyinka, iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo si rasmiya u furay kulankaasi ayaa sheegay in kulankani lagu gorfayn doono sidii bulshadda loogu gudbin lahaa wacyigelino ku saabsan qaabka ugu haboon ee looga gaashaanto masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxa kaloo uu sheegay Faysal Cali Sheekh, in sanadahan danbe ay soo kordheen duufaano iyo masiibooyin dabiici ah oo aan hore dalkeena uga dhici jirin, kuwaasoo ay ka mid yihiin roobabka dabaylaha wata, iyo abaaraha soo noq-noqday.

Geesta kale Faysal Cali Sheekh, ayaa tilmaamay in qaran ahaan loo baahan yahay in aan kordhino aqoonta loo leeyahay, iyo u diyaar garowga ay dadkeenu u leeyihiin masiibooyinka dabiiciga ah, maadaama ay wax adduunka ku soo noq-noqonaya yihiin, kuwaasoo ka dhashay isbedelka cimiladda.

DAAWO: Hadalka Guddoomiye Faysal Cali Sheekh:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here