Shirkadda HECO Waxaan Ka Markhaati ahay In Ay Bixiso Laydh Bilaash ah

0
1456

Waxaan ka mid ahay macaamisha shirkadda Laydhka HECO sido kale waxaan ka mid ahaa xildhibaanadi hore golaha degaanka degmada burco oo xogagaal u ah magaalada iyo shirkadda iyo ganacsatada ka shaqaysata bulshada kuwa wax ku soo celiya ee la dareenka iyo kuwa ka shaqaysta,

Shirkadda laydhka HECO waxan ka markhaati ahay oo qof kasta oo shacaba ama dawaladu og tahay inay HECO tahay shirkad bixisa laydh bilaasha goobaha danta guud haddey tahay saldhigyada iyo Musaajidada.

Qaybta Booliska iyo meelaha muhimka ah, waxay laydhka security laydhka ku xidhay laamiyada iyo wadooyinka oo iftiimiya sido kale meel kasta oo madow oo amni darro laga soo sheego waxay ku xidhen security laydh.

Haddii ay jirto cid an ogayn adeega bilaashka iyo lacagta shacabka Burco ku soo celiso sida shalay qoral bartiisa Faysbuuga ku qoray Mudane Golaha degaanka degmada Burco ka tirsan Cabdiqani Cabdilaahi oo saaxibkay ah, waxan leyahay adigu ma tihid shacab waxaad tahay kii magaalada u noqon lahaa xogagagal waxaan ku sheegaya shirkadda HECO bulshada burco waxbay ku soo celisa iyo amniga ayey ka shaqaysa .security laydh iyo magaalada bilicdeda iyada qurxisa.

Maalmihii u danbeeyay waxaa arkaynay oo anigaygan markhaati ka ahay inu laydhku tagayay marar kala duwan sidii hore markuu roob xoogan magaalada ka da’ayo way bakhtiiyan si dhib bulshada ugu keenin waanay ku amaanan yihin. Balse waxay dhawaan soo ibsaden mishiino casriya oo isku xidhaya solarta iyo mishiinada laydhka shaqadi ayaa socota waana sabab ta keentay inay mar mar bakhtiiyo siday ii sheegen shaqaalaha shirkadda Laydhka HECO oo aan waydiiyay .

Ugu danbayn qof kasta oo macaamisha ka mid ah xaq ayuu u leeyahay inuu dhaliilo Wixii isagu khalad u arko inu sheego inkasta ay fiican tahay inuu xaafiskooda tago qaybta cabashada una sheego.

HECO maaha shirkad dawliya waa Shirkadda privat ah oo leyihin dad burco oo dhan ka kooban .waxayna la mid tahay hantida qof lee yahay.

W/Q: Ex-xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here