Madaxwayne Siilaanyo Oo Golaha Wakiilada Somaliland Kusoo Celiyay Xeerarka Booliska Iyo Duulista Iyo Qodobada Uu Dalbaday In Wax Laga Badalo

0
1306

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa golaha wakiilada Somaliland dib ugu soo celiyay xeerka ciidanka booliska Somaliland iyo xeerka duulista iyo hawada.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo ka hadlay soo celinta xeerarka ee madaxwaynaha ayaa waxa uu dhaliilay qaabka uu madaxwayne Siilanayo u maray inuu dib ugu soo celiyo xeerkan waxaanu yidhi.

 

“Madaxwaynuhu marka xeerka loo geeyo waa inuu ku saxeexa 21 cisho gudahood hadii uu wax ku diido xeerka uu saxeexayana waa inuu horta xeerka saxeexaa kadibna waa inuu codsadaa in wax laga badalo iyo kaabis”

 

Xildhibaan Xoog oo sharaxaya xeerka booliska ee madaxwaynuhu soo celiyay iyo qodobada uu soo jeediyay in wax laga badalo ayaa waxa uu yidhi.

 

“Laakiin iminka xeer ayaa nalagu soo celiyey waxaanu madaxwaynuhu kasoo hagaajiyay shirgudoonka waxaanu uu madaxwaynuhu ku yidhi

 

Ujeedo soo celin,wax ka badal iyo wax ka saarid qodobada 16,17,32,34,35,36,44,45,46 ee xeerka ciidanka ciidanka booliska xeer Lr 63/2013,habkaasina maaha dooro waxaad doonto  ka saar,madaxwaynuhu xeerkoo dhan waa ansixiyaa marka danbena waxa uu codsadaa wax ka badal iyo kaabis laakiin inuu qodobo soo qaato oo uu yidhaahdo wax ka badala waxna ka saara habka xeerka loo sameeyo maaha”

 

Sidoo kae xildhibaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay qodobada uu madaxwaynuhu soo celiyay ee uu doonayo in wax looga badalo waxaanu yidhi.

 

“qodobada uu madaxwaynuhu soo celiyay wax kamid ah qodobka ciidamada awooda u siinaya qaadashada hubka iyo inuu u adeegsado difaaca nafta iyo maalka,waxaanu qodobkaasi odhanayaa dad aan hubaysnayn halis ma galin karaan nabad galiyada askariga,waxa la isticmaala qiid suntan dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo marka waxa uu leeyahay qodobadaas iga soo badala intaan hubka qaato dadka mudaharaadaya laayo qodobkaas caalamka lama arag meel lagaga dhaqmo,habka uu madaxwaynuhu usoo celiyay qodobadana horyaala way qaldan yihiin mana aha habkii loo mari jirey hadii uu keenana waxa dhimanaya xeerkii oodhan,wuxuu soo celiyay xeerkii booliska iyo xeerkii duulista iyo hawada waxaanay xeerarkaasi u baahan yihiin 55 cod si loo ansixiyo hadii kale way dhimanayaan.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in golaha wakiiladu u furmi la yahay kooram la’aan soo food saartay,waxaanu tilmaamay inaanay xildhibaanadu kasoo xaadirin fadhiyada golaha waxaanu yidhi.

 

“xeerka uu madaxwaynuhu soo celiyay way na horyaalaan golihiina maalintii ay ansixiyeen arinkii dekeda ayaa ugu danbaysyakooram buuxsama,waxaana jira rag xildhibaano ah oo maalinka madaxtooyadu arin wadato gaadhi lagu soo qaado inta kale ee sanadka lama helo, maalintaas ayaa lakeenaa gaadhi baa lagu soo qaada marka ay ansixiyaana golaha dib uma yimaadaan ,goluhuna kooram la’aan ayuu u furmi la’yahay,ragayagaas qaylinaya ee wax saxaya ayaa maalin walba golaha taagan kuwii kalena jiif iyo jaq ayay kujiraan”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here