Madaxtooyada Somaliland oo Si Adag Uga Jawaabtay Baaqii Guddoomiye Cirro

0
681

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka qaylisay Baaqa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ugu yeedhay taageerayaasha Xisbigaas inay isugu yimaaddaan Isniinta Berri Xarunta dhexe ee Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxaanay sheegtay inaan la aqbali doonin wax bannaan-bax ah oo laga oggolyahay inay dalka, gaar ahaan Caasimadda Somaliland ka dhacaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa shir jaraa’id oo galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada, waxa uu ugu jawaabay Guddoomiyaha Waddani, waxaanu sheegay inaanay suuragal ahayn in bannaanbax ay sameeyaan taageerayaasha Waddani, waxaanu ku dooday inaanay siduu u yidhi u jirin hadallada uu Warbaahinta mariyey Axaddii Maanta Guddoomiye Cirro.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here