DEG DEG: Ciidamo La Wareegay Xarunta Xisbiga Waddani

0
971

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ayaa waxaa ay goor dhawayd la wareegeen xarunta dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, halkaasi oo ay maalinta berito iskugu imanayeen taageerayaasha Xisbiga Waddani.

Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun, isagoona sheegay in ciidamada Booliska Somaliland ay gabi ahaanba la wareegeen xarunta xisbiga Waddani.

Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in ay cadaadiska ay ka dayso taageerayaasha xisbiga Waddani, isagoona sheegay in wixii khasaare ah ee halkaasi ka yimaada uu masuul ka yahay Maayirka Hargeisa.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here