Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Kulan Ku Leh Muqdisho

0
848
Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka
Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo maalintii saddexaad shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa haatan kulan laleh Wakiilada Beesha Caalamka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee si guud ah madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ula kulmayaan beesha caalamka tan iyo markii ay dhawaan Muqdisho iskugu tageen.

Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada ayaa sheegay in kulankan lagaga hadlayo xal u helida marxaladda Soomaaliya ay marayso gaar ahaan Doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayaashu is afgarad ka gaadheen arrimo dhowr ah oo hortaagnaa inuu dhaco shirkii dhexmari lahaa dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka beesha caalamka kadib, waxaa lagu wadaa in madaxweynayaashu shir jaraa’id qabtaan islamarkaana ay ka hadlaan natiijooyinka kulamadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here