Macallin iyo Ardaydii uu Wax baray nus-qarni ka Hor oo Xusuus gaar ah ku Kulmay + SAWIRRO

0
1134

Boorama , (HargeisaPress) —Waa macallin Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee Boorama iyo saddex ka mid ah ardaydii uu wax ku baray dugsigii sare ee Camuud sannadihii dhawr iyo lixdankii (1960s) oo noqonaysa ilaa nus-qarni ka hor, waxay kala yihiin;

 

  1. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha iyo murrashaxa Madaxwaynaha eexisbiga KULMIYE
  2. Maxamuud Xasan Wacays (Saygoon), Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Qaranka Somaliland
  3. Siciid Cali Muuse, Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

macalin iyo ardaydii u wax baray _2

 

Waxay iyagoo xiise iyo farxad xad-dhaaf ah isku qaba ku kulmeen maanta isla goobtii waxbarasho ee macallinku aqoonta ku siiyey ardaydiisii oo iminka ah Jaamacadda Camuud (Amoud University), halkaas oo ay ka dhacaysay xaflad loo sameeyey shaacinta bilowga diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ee Gobolka Awdal oo si rasmi ah uga furmi doonta maalinta Sabtida.

macalin iyo ardaydii u wax baray _1

 

Masuuliyiintan oo hadallo ka jeediyey madashaasi waxa mid waliba si qiiro leh uga sheekeeyey xusuusta ay ku leedahay quluubtooda hoyga aqoonta ee Camuud iyo abaalka iyo xiisaha ay u qabaan macallinkoodii Saleebaan Axmed Guuleed oo ay ku sifeeyeen aqoonyahan hoggaamiye aragti dheer ah.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here