Maayirka Hargeysa oo wargelin Digniin ah u diray dadka leh seesaska iyo dhismayaasha dayrka ah ee bilaa sharciga lagu sameeyey

0
1003
Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)

Hargeysa (HargeisaPress) —Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa markale dadweynaha caasimadda ku wargeliyey in la joojiyey guud ahaan bixintii dhulka, sidaa daraadeedna aannu qof dhul-doon ah ku soo lugo’in xarunta dawladda hoose.

Maayar Soltelco warbaahinta kula hadlay xarunta dawladda hoose shalay, waxa kaloo uu sheegay in xafiiskiisu qaabiladda dadweynaha u furan yahay maalinta Isniinta oo keliya, maalmaha kale ee toddobaadkana aannu qof shacab ah qaabili doonin.

“Maalinta Isniinta waa maalin aan la kulmo dadweynaha, waxaanad mooddaa in dadku maalmaha kalena iska caadaysteen oo haddana toddobaadkan waxa aannu ugu darnay maalintii Sabtida, waxaanan leeyahay Isniinta maalin aan ahayn (ma kulmi karno) oo inta kale hawlihii shaqada xafiiska ayaa socda,” ayuu Maayarka Hargeysa.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Runtii arrinta qudha ee dadweynaha inta badan soo celcelinaysaa waxa weeye dawladda hoose waxa ay go’aamisay  in la joojiyey bixinta dhulkii danta guud, waxaanad mooddaa in gabigeenaba waxa hor ordaya  ee loo socdaa uu yahay dhul, waxaanan leeyahay qofna yaannu ku soo lug go’in dawladda hoose isagoo dhul-doon ah.”

“Sidii aad maanta (shalay) arkayseen dadweynaha aannu la kulannay 50% waxa ay doonayeen in dhul la siiyo, markaa waxaannu leenahay hawshaas dhulka waannu joojinnay, waxaanan dadweynaha ugu celinayaa mar labaad iyo mar saddexaadba in aannu bixintii dhulka joojinnay.”

“Dhammaadka bishan December 2017 waxa ka hadhay dhawr maalmood oo qudha, markaa nin walba inta uu hadhaw odhan lahaa seeskaygii ayaa la dumiyey hadda ha dhammaystirto sharcigiisa, annagu dhul kasta oo bilaa sharci ah oo sifo qayrul sharci ah lagu dhistay waannu duminaynaa marka ay gaadho 2 January 2018 (haddii Ilaahay yidhaa), qof kastawna ogow arrintaas, markaa dhawr maalmood ayaa kaaga hadhay in aad sharcigaaga ku dhammaystirato,” ayuu yidhi Maayir Soltelco.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here