Maayarka Boorama Oo Ka Warbixiyay Roobab Khasaare Sababay

0
765

Boorama (Hargeisa Press.com): Mayarka magaaladda  Boorama Saleebaan Xasan Xaddi,  ayaa  ka warbixiyay roobab Dabaylo watay oo doraad  ka da’ay magaaladda,  kuwaasoo khasaare hantiyeed gayastay.

Waxaanu maayarka Boorama  Saleebaan Xasan Xaddi ayaa shalay soo kormeeray goobihii uu roobku waxyeeladda u gaystay.

Kadib markii uu kormeerka soo dhamaystay ayaa maayarku kulan warbaahineed uu qabtay ku sheegay in aanay jirin wax khasaare nafeed ah, balse ay jiraan mid hantiyeed.

Kaasoo isugu jira guryo iyo goobo ganacsi oo dumay,  waxaanu  dadweynaha degan degmadaas iyo nawaaxigeeda uga digay inay ka fogaadaan biyo mareennada.

Halkan Ka Daawo Maayarka Oo Khasaarahaas Ka Warbixinaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here