Waxa aan Amal Bank ku Hambalyeynayaa Ruqsadda ay ka Heleen Baanka Dhexe ee Somaliland

0
1552

Anigoo ah Hal-door Rashid Sulub Caalin, Deggen Caasimadda Hargeysa, kana mid ah macaamiishiina idinla bilaabay adeegan hufan ee aad u fidisaan Soomaalida daafa Adduunka kala joogta, ayaa waxaan halkan idinku bogaadinayaa ogolaanshaha aad ka hesheen ruqsadda Bankinimo ee Bankiga Dhexe ee Somaliland ee la idiin hibeeyay oo idiin ah tallaabo horumar ah oo aad gaadheen oo aad ku muteysateen kasbasho sumcad, dedaal xoog leh oo aad macaamiishina u fidineyseen ilaa intii waddanka la soo galay.

Aniga oo ay asalka shaqadaydu tahay Banker, kana mid ahaa saraakiishii ka soo shaqeeyay Bankigii Somali Commerical and Savings Bank. Markii dambena ahaa Wakiilka Bankiga Caanka ee Citi bank  u qaabilsanaa Soomaaliya.

Waxaan halkan ugu baaqayaa Soomaalida iyo dadka Ajnabiga ah in ay adeegsadaan Amal Bank oo kolay lagu soo kordhin doono hawlo shaqo Bank ah oo cusub in ay ka faa’iideystaan.Sidoo kale waxaan Madaxda iyo shaqaalaha Bankiga  Amal ugu baaqaaya in ay dedaalkoodii sii xoojyaan  oo ay hore u sii socdan,  waxaanan u soo jeedinayaa in ay  maal-gashiga wax-soo-saarka dalka ay sida ugu habboon ee ku timid qorshe wax-ku-ool ah oo ay kaga duwan yihiin kuwa dalka hore ugu jirey ,kana fogaadaan  RIBADDA LA XEELADEYSTEY EE LA CASRIYEEY EE CARABKA IYO QALINKA LAGU MEELEYSANAAYO !   waxaan idiin rajeynaya Guul iyo Nabad.

Qoraa, Mufakar, somafale, Hal-door Rashiid Sulub Caalin.

Hargeysa, Somaliland.

Tel: 4426781.E.mail .sulub2007@2007.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here