Khasaare Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Burco

0
830

Burco (Hargeisa Press.com):  Roob mahiigaan ah oo 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da’ay gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in uu khasaare balaadhan soo gaadhsiiyay xaafado ka mida magaaladda Burco.

Sida uu sheegay badhasaabka  gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi,  oo maanta warbaahinta faahfaahin ka siinayay  khasaaraha ka dhashay roobabkaasi  mahiiganka ah waxa uu sheegay  in aanu jirin wax khasaare nafeedda oo uu roobkani gaystay.

Hase yeeshee uu waxyeelo weyn soo gaadhsiiyay guryo aad u badan, isla markaana uu bur-bur soo gaadhay hanti badan.

Waxaanu yidhi “Waxaa magaalada Burco  ka da’ay roob aad u laxaad badan, kaasoo socday muddo  laba saacadood oo xidhiidh ah,  oo aan kala go lahayn.

Waana roobkii ugu badnaa ee sanadahan u danbeeyay ka da’a gobolka Togdheer.  Illaahay-na waa uu inaga aqbalay ducadii,  waanu inagu arsaaqay”.

“Roobkani dhab ahaantii muddada uu da’ayay iyo sida ay waxyeeladiisu tahay,  waa laba aan is lahayn.  Ilaa hadsa ma jirto dhibaato nafeed oo uu roobkaasi gaystay. Balse waxaa jira khasaare mood u badan oo roobka ka dhashay.

Waxaanu khasaarahani u badan yahay goobaha dadka danyarta ahi degan yihiin, oo dhab ahaantii aan u adkaysanayn roobkaasi.

Xaafadda Qun-yar-dega oo kale guryahooda wixii u yaalay oo dhan wuu ka qaaday,  keliya nafahooda uun bay kala baxeen. Dusgiga Sheekh Ibraahim oo kale wuu dumay, cusbitaalka Manhal oo kale masqulo ayuu dumiyay.

Bulshadu ha is caawiso,  ha is taageeraan, agabka guriga ayaa ugu mihiimsan ee waa in lagu taageero” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY