Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa ayaa Maanta kulan balaadhan kula yeeshay xafiiskiisa Shirkada qaadatey Qandaraaska Biyo Galinta Caasimada + SAWIRRO

0
1022

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wakaalada Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa Maanta kulan balaadhan ku yeeshay xafiiska Wakaalada Biyaha ee Hargeysa Shirkada qaadatey Qandaraaska Biyo Galinta Caasimada Hargeysa gaar ahaan Main Construction Contract oo ah qodista, xidh-xidhka beebka, dabka iyo Macanicalka mashruuca oo ah qaybta ugu muhiimsan Mashruuca Biyo Balaadhinta waxaanu ahaa Kick-off Meetingka Mashruuca.

11351370_10152917115937469_5846750236263498439_n

waxaana ka soo qayb galay Madaxda Wakaalada Biyaha, UN Habitat , FITCHNER iyo shirkada heshay qandaraska oo ah Awash Weldey & Feljas & Masson contracting company oo ah laba shirkadood oo ah partner ah oo ah Ethopian iyo French companies.

11390125_10152917115427469_3558128063947250665_n

“Waxaanu ahaa shir shaqo oo muddo dheer qaatey anaga oo ugu horeyn socod ku tagney Goobta ay taalo alaabto maadama oo lagu wareejinaayey shirkada oo ay la wareegayso masuuliyada Goobta. Wakaalada Biyaha Hargeysa  ayuu yidhi Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo qoraal kooban ku faafiyey bogga facebook ee uu ku leeyahay internet-ka maanta.

11110250_10152917116547469_5447246891406089458_n

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here