Maamulka Gobolka Gabiley oo dhambaal Tacsi ah u diray Ehelka iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii hore ee Ciidammada Illaalada Madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise.

0
838

Hargeysa, (HargeisaPress) —Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, Maayarka Gobolka Gabiley Amiin Cumar Cabdi, Xoghayaha Fulinta  D/hoose ee Degmada Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabiley iyo siyaasiin kale ayaa tacsi tiirayo leh u diraya Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidammada Illaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise oo maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa.

 

Maayarka Gobolka Gabiley Amiin Cumar Cabdi waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, , Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here