Maamulka Degmadda Salaxley Oo Xoolo Ku Caawiyay Ciidanka Qaranka JSL

0
248

Salaxley (HP): Maamulka degmadda Salaxley oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayaa caawimo xoolo ah ku wareejiyay ciidamadda qaranka JSL.

Xoolahaasi oo ahaa Geell, waxaa iska soo ururiyay dadka xoolo dhaqatadda ah ee degan deegaamadda degmadaasi, waxaana maamulka Salaxley, kala wareegay saraakiil ciidanka qaranka Somaliland ka tirsan.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Maroodijeex, iyo agaaaimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintii madashaa wareejinta deeqdaasi ka hadlay ayaa sheegay in degmada Sallaxley ay muujisay dedaal ku aadan sida ay u bar-bar taagan yihiin ciidanka Qaranka Somaliland.

DAAWO: Wareejinta Xoolahaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here