Wasiirka Qorshaynta Qaranka JSL Oo Shir La Yeeshay Haayadaha Caalamiga ah

0
216

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Dr. Axmed Buuxane, ayaa maanta kulan la yeeshay haayadaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawl gala gudaha Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid wadatashi waxaa lagu lafa guray doorka ay daneeyayaasha Somaliland ka taageera dhanka horumarka ku yeelan doonaan shir waynaha Madasha Horumarinta Dhaqaalaha ee heer qaran oo la qorsheeyey inuu ka dhici doono magaalada Hargeysa 14-15, October,2023.

Shirkan waxaa lagu lafo guri doonaa maalmaha uu socdo caqabadaha hortaagan xallinta mushkiladaha dhaqaale ee Waddanka haysta iyo sidii loogu heli lahaa Xal-waara.

Hal-ku-dhegga shirka sannadkan ayaa ah (Mustaqbalka Dhaqaale ee Somaliland: Maalgelinta Kala Duwanaanshaha iyo Casriyeynta).

Shirweynaha sanadkan waxa uu qabsoomi doonaa 14-ka bishan October ee sanadkan 2023-ka, gaar ahaana caasimadda Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here