Burco: Guri Dab Qabsaday Oo Dab-demisku Bad-baadiyay

0
219

Burco (HP): Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Hodan-qaylo ee magaaladda Burco

Dab-demiska ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid halis ku ahaa guryihii u dhawaa inuu ku fido dabku, waxaana ciidanku nabad geliyeeyay badi hantidii taalay gurigaa.

Sidoo kale ciidanka Booliska Burco ayaa ciidamada Dab-demiska kala shaqeeyay hawlgalkan.

Geesta kale ciidanka dab-demiska ayaa fariin wacyigelineed u diray bulshadda.

“Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

Sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco, dabkana goor hore soo sheegaan inta uu yaryahay.
Muwaadin hadii aad la kulanto dab soo wac 990 Gurmadka degdega ah Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba” ayaa lagu yidhi warkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here