Maamulka Canfarta: “Waxaa Nala Dagaalamaya Jabuuti, Soomaaliya iyo Al-shabaab”

0
1389

Semera (Hargeisa Press) – Maamulka Deegaanka Canfarta, ayaa ku eedeeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida in ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan magaalada Mile, oo ka tirsan gobolka Canfarta, islamarkaana ah magaalo muhiim u ah ganacsiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay maamulka deegaanka Canfarta waxaa lagu sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaal cusub oo ay sheegeen in “Soomaalida ay soo qaadeen” Arbacadii kaas oo ka dhacay deegaannada Gebi Resu iyo Awesi Resu.

War-saxaafadeedka waxaa ku qoran eedayn ah in maamulka Soomaalida ay “ciidamo ku daad-gureeyeen deegaanka Candhuufa, ayna ku dileen dad rayid ah.”

Weli ma cadda waxa sababay dagaalkan soo cusboonaaday. Balse colaadda u dhexeysa labada dhinac waxay salka ku haysaa xuduud.

Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa beenisay in ay dagaalka iyagu bilaabeen, iyagoo sheegay in Canfarta ay soo qaadeen weerarka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Maxamed Rooble Maxamuud, ayaa sheegay in Canfarta ay weerarka soo qaadeen.

“Iyagoo dalkayaga haysta ayay ina soo weeraraan oo waxay doonayaan in ay ilaa Diridhaba na gaadhsiiyaan,” ayuu yidhi.

“Haddaan annagu dagaalka soo qaadno gar ayayba inoo ahaan lahayd, sababtoo ah dhulkeennii oo dhan ayay heystaan, dadkeennii ayay barakiciyeen, dad ayay ku gowraceen Garba Ciise. Hadda cidda soo qaadday waa la ogyahay, dowladda dhexena waa ogtahay,” ayuu yidhi.

War-saxaafadeedka maamulka Canfarta, ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in waddada weyn ee isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa ay xidhan tahay sababo la xidhiidha dagaalka.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayayna ilaa iyo haatan sheegin labada dhinac.

Maamulka Canfarta, ayaa ka codsaday dowladda dhexe ee Itoobiya in ay arrinta soo farageliso, inta aanu dagaalka sii xumaan.

Dabayaaqadii bishii July, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa sheegtay in maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka deriska la ah ee Canfarta ay weerar soo qaadeen islamarkaana ay dhac geysteen.

Maamulka Canfarta, ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay qayb ka yihiin Al-shabaab, Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeraya ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here