Maroodijeex: Sagaal Ceel Biyood Oo Laga Dhagax Dhigay Deegaanka Dhaboolaq

0
574

Dhaboolaq (HP): Sagaal ceel biyood ayaa maanta laga dhagax dhigay deegaanka Dhaboolaq oo hoos yimaadda degmadda Faro-weyne ee gobolka Maroodijeex, ceelashaasi oo ay soo bixiyeen dad muxsiniin ah.

Waxaana ceelashaasi si wada jir ah u dhagax dhigay sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), oo ka mida culimadda reer Somaliland iyo madax dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka Dhaboolaq.

Sagaalkan ceel biyood ee la dhagax dhigay waxaa soo bixiyay xubno ka mida jaaliyadda reer Somaliland ee wadamadda dibadda ku nool, kuwaasoo ceelashaasi waqfi ahaan ugu soo bixiyay waalidiintoodii.

Degmadda Faro-weyne ayaa xiliga Jiilaal ah waxaa u soo biyo fadhiista xoolo iyo aad u fara badan oo uga soo arroora dhinaca hawdka ee ilaa deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo waayadii hore ay dadka iyo xooluhuba dhibaato ku qabeen helitaanka biyaha.

Waxaa hore deegaamadda Faro-weyne looga hirgeliyay ceelal tiro badan, iyadoo sagaalkan ceel biyood ee cusub ee maanta la dhagax dhigay  ay tiradda ceelasha deegaankaasi sanadihii ina dhaafay ka dhigayso 77 ceel biyood, oo ay si waqfi ah ula baxeen dad muxsiniin ah oo waalidiintoodii ugu waqfay.

Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), oo ah isku-xidhaha jaaliyadda muxsiniinta ah waqfiga ula soo baxay ceelashaasi iyo bulshadda deegaanka Faro-weyne ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ku suurto gashay hawshaasi iyo dadka soo bixiyay dhaqaalaha lagu qadayo ceelashaasi.

Geesta kale Sheekh Aadan Siirro, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay dadka caawimadan soo bixiyay deegaankaasi u doorteen, taasoo uu ku tilmaamay in dadka soo bixiyay ay soo xusheen in deegaamadaasi laga hirgeliyo.

Dhinaca kale madax dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka Dhaboolaq ayaa ka mahad celiyay ceelal biyoodkan cusub ee loo dhagax dhigay, waxaanay si gaar ugu mahad naqeen dadka muxsiniinta ah ee ceelashani ku soo caawiyay.

Sidoo kale bulshadda deegaankaasi waxay isna u mahad celiyeen sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), oo ay dadkaasi u soo wakiisheen masuuliyadda fulinta ceelashaasi.

 

DAAWO: Sheekh Aadan Siirro iyo Odayaasha Dhaboolaq Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY