Khubaro U Dhashay Dalka Czech oo Somaliland Ka Caawinaya La Dagaalanka Ganacsiga Sharci-darrada Ee Duurjoogta

0
2497

Prague (Hargeisa Press) – Khubaro u dhashay dalka Jamhuuriyadda Czech oo ku yaalla Badhtamaha Qaaradda Yurub, ayaa Somaliland ka caawinaya dagaal ka dhan tahriibinta iyo ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee Duur-joogta gaar ahaan Haramcadka oo inta badan si qarsoodi ah looga dhoofiyo xeebaha Somaliland.

Sida lagu sheegay warbixin laga baahiyay Idaacadda Radio Prague International oo xarunteedu ku taallo caasimadda dalka Czech ee Prague, sannad kasta waxa waddamada Khaliijka Somaliland looga dhoofiyaa tiro badan oo Harimcad dhal ah oo lacag badan lagaga iibiyo maal-qabeennada dalalka Carabta oo ka dhigta xayawaan rabbaayad ah. “Shaqo la’aan ka jirta iyo Shabakado Mukhalasiin ah oo si firfircoon uga hawl-gala, ayaa Somalilad ka dhigay inay marin u noqoto ganacsiga sharci-darrada ah Harimcadka oo ah xayawaan naadir ku ah dunida. Khubaro u dhashay Czech ayaa gacan ka geysanaya dadaal caalami ah oo hab-dhaqankan lagu joojinayo.

Meelo badan oo dunida ah, Haramcadka oo ah xayawaanka ugu dheereeye, wuxuu uga dhigan yahay awood, lacag iyo soo jiidasho. Nasiib darro, aragtidan qaldani waxay si xawli ah uga gacan geysanaysaa inuu taranka xayawaankani qarka u saaran yahay inuu baaba’o. In ka yar 7,000 oo Haramcad qaangaadh ah, ayaa dunida ku sugan, waxaana khatarta lagu hayo sii dhiiiri-gelinaya burburka lagu hayo Deegaan dabiici ah oo ay ku noolaadaan, beeralayda oo u arka inay halis ku yihiin xoolahooda iyo macaashka xad-dhaafka ah ee ka ganacsiga xayawaankan,:” sidaas waxa lagu bilaabay warbixin lagu baahiyey Idaacadda Prague International oo soo xiganaysa xog-warranka khubaro u dhalatay dalka Czech oo qayb ka ah dedaal caalami ah oo lagula dagaalamayo ka-ganacsiga sharci-darrada ah ee Xayawaanka Haramcadka oo khubarada xayawaanka Duurjoogtu aamisan yihiin inaanu tarmin marka rabbaayad ahaan loo haysto.

Tomáš Maule oo ah khabiir u dhashay dalka Czech, kana tirsan Isbahaysiga Ilaalinta Duurjoogta ee Geeska Afrika oo ku hawlan ololaha lagu joojinayo Ganacsigan, isla markaana si joogta ah yimaadda Somaliland, ayaa u warbixiyey dedaalka ay ugu jiraan dabar-goynta ka-ganacsiga sharci-darrada ah ee  Haramcadka.

“Waxaan ka soo horjeednaa shabakado dambiilayaal ah oo ka hawlgala Geeska Afrika, kuwaas oo hub iyo badeecooyin kale soo tahriibiya, Haramcadkana u geeya waddamada Bariga Dhexe iyo meelo kale. Waxa caawiya dad sabool ah oo ku nool Geeska Afrika oo baahi lacageed u geynayso. Waxaanu doonaynaa inaanu daraasad ku samaynayo arrintan, natiijada ka soo baxdona u gudbinno Dowladda si ay wax-ka-qabashada hawshan mudnaanta u siiyaan. Waxaanu sidoo kale la shaqaynayaa culimada Diinta iyo shaqsiyaadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda si aanu dadka deegaanka u fahamsiinno inaanay tani ahayn dhaqan wanaagsan,” sidaas ayuu yidhi Khabiirkano oo u warramay Radio Prague International.

Sida laga soo xigtay Qiyaasaha la hayo, sannad walba 300 oo Haramcad dhal ah ayaa loo tahriibiyaa dalalka Khaliijka Carabta iyadoo laga iibinayo shaqsiyaad maal-qabeenno ah oo inta badan sawirro ay iska qaadeen soo dhiga baraha bulshada sida Instagram iyo TikTok.

“National Geographic waxay dareen u jeedisay dhibaatada ka dhex jirta mashruucii Ilaalinta Duurjoogta. Ujeeddadu waa in la helo dowladda si ay u abuurto ciidamo ammaan kuwaas oo soo farageliya si ay u siiyaan shabeelka ilaalin habboon. Hadda wax aad u yar ayaa laga qabtaa dhinaca ilaalinta Geeska Afrika – ha ahaato deegaanka ama haramcadka sidaas oo kale ah. ”

Tomáš Maule waxa uu aamisan yahay inaanay khubarada hawshan isu-xil-qaamay kaligood wax saamayn ah ku keeni karin badbaadinta taranka Xayawaankan dhifka ah, wuxuuna ku baaqay inay dowladuhu muhiimad weyn siiyaan Ilaalinta Duurjoogta isla markaana laga hawl-galo sidii loo abuuri lahaa mashaariic iyo siyaabo kale oo lagu caayimo dadka hawshan ku dhex-jira ee Dhaqaaluhu ka soo galo.

https://english.radio.cz/czech-experts-helping-fight-illegal-cheetah-cub-trade-somaliland-8726844

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here