Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Burco

0
717

Burco (HP): Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta dhagax tuurka ama dhalinyaradda Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Taasoo lagu xusayay sanad guuradda 38aad ee ka soo wareegatay dhagax tuurkii dhaq-dhaqaaqii dhalinyaradii UFO ee sanadkii 1982-kii.

Munaasibadaasi oo lagu qabtay xarunta gobolka Togdheer waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka Togdheer, xildhibaan Mubaarg Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco, isu-duwaha wasaaradda dhlinyaradda iyo ciyaaraha Togdheer.

Halkan Ka Daawo Warkasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY