MA QAYBI OO XUKUN BAA, MISE WAA MIDDEE OO HOGGAAMI?

0
1079
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

HargeisaPress — “Divide and Rule” waa qaybi oo xukun eh, waa siyaasad xeel-dheernimo iyo farsamo dhaqan gallaangal leh lagu salleeyey. Waxa loo adeegsadaa in lagu dhaqo cid la rabo in la  xukumo waxoo-gana la qaato.

 

Tusaale ahaan, haddii ay siyaasiyiintu fahmaan in aanney abuuri karin jawi degan oo dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba xasilan. Waxa u fudud in dadka la xukumayo laga la dagaallamo in ay gartaan waxa mideyn kara. Amabase baahiyaha guud ee saameynta ku leh noloshooda.

 

Siyaasigu Mucaarid iyo Muxaafid ka uu doono ha noqdo eh. Waxa uu ka shaqeeyaa kala qaybinta bulshada. Mucaaridku in gaar ah ayey la fuqaan, dawladduna in gaar ah. Mid walba taaggeerrayaashiisa waxa uu u bahallo galiyaa ka kale oo uu u tuso in xaqiisu kaga maqan yahay.

 

Siyaasiyiinta oo heshiis ahi dantooda ayey dabaddeed ka gaadhaan la xukumaha jilicda-san. Waa na ta keenta in aad aragto shacab baahan oo siyaasiyiin kheyrlaawe-yaal ah kala raacsan. Waa na ay adag tahay la xisaabtan dal iyo dad toona la la yeesho siyaasiyiinta. Sababtuna waa in nin waliba jammaahiir dantood ma garte-yaal ah; waa shacab la qaybiyey eh, ay ka difaacayaan cid wal oo agtooda soo marta.

 

Hadda oggow xaalku waa shacab is haysta iyo siyaasi isugu dhiibay eh. Waxa aan u soo jeedin lahaa in siyaasiyiintu dadkooda u tudhaan oo dhibka ka saarraan ee iyagu aanney ka noollaan. Shillimaad la qaato waxa ka wacan in  ummaddaadu sharaf ku naallooto.

 

Siyaasadda tan waxa ay dunida saddexaad ka dhaxashey gumeystihii Ingiriis. Adigu se ma tihid siyaasi gumeyste eh, waxa aad tahay addeege shacab masaakiin ahi itaal iyo garasho biddey. Sidaa darteed qaado siyaasadda wacan ee uu isla gumeystaha aad casharka ka baratey uu dadkiisa ku hoggaamiyo ee ah “Unite and Lead”.

 

Siyaasadda “Unite and Lead” waxa u saldhig ah; in dadka baahiyahooda la fahamsiiyo, in caddaalad lagu dhaqo, in maamul wanaagsan loo sameeyo, in la walaalleeyo, in dhaqaalaha iyo baahiyaha aas aasiga ah laga taaggeerro, in sharciga la baro, in la tayeeyo jasmiyan iyo caqliyan intaba. Sidaa ayuu siyaasi dadkiisa jeceli u dhaqmaa. Fadlan ha ku dhiqin siyaasadda gumeystaha ee ku dhaq siyaasadda u addeegaha ileen waa dalkaagii eh.

 

 

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here