Ma Dhaba in Gudoomiyaha Xisbiga UCID Lagu Haysto, Weerarkii Afka ahaa ee uu Ku Qaadey Madaxweyne Geelaha Jabuuti

0
756

HARGEYSA — Toddobaadkii u Dambeeyay Waxa Shacabku si aad ah u hadalhayey Dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ay Maxakmada u Gudbiyeen Madaxweynaha iyo Qoyskiisu ,Hadaba Dad badan ayaa Aaminsan in Labadan Masuul ee Wakhtigii Doorashada Madaxtooyadda Saaxiibtinimo Xoogan oo Dhinaca Siyaasada ahi u Dhaxaysay ay adag tahey sida loo Rymaysan karro in ay Dacwadd iskaga Gudbinayaan Weeraro dhinaca afka ah oo ay Warbaahinta isu Mariyeen Khusuusan Madaxweyne Biixi, oo hadda Talada Dalka Gacanta ku haya Islamarkaana, Faysal Cali Waraabe(Gudoomiyaha Xisbiga Ucid), Kaliya ku dhaliilay in uu Maamulkii iyo Dawladnimadii ka Dhigtey ”Tukaan Qoyskiisu Leeyahey” .

Wararka ku Sahabsan arintan.ee la isla dhexmarayay Toddobaadkii u Dambeeyay ayaa la sheegay in Gudaha Xarunta Madaxtooyada laf ahaanteeda ay Labadan Masuul Madaxweyne Muuse Biixi iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe isku Gacan Qaadeen, taas oo Marka loo eego Meeqaamkooda aaney Shacabka ula muuqanaynin Wax ka Suurtagali Kara Madaxdooda hogaanka Xisbiyada iyo Taladii Dalkaba uhaysay haseyeeshee, Wararka kale ee arintani ku Sahabsan Waxa ay Dad badani Aragtidooda ku Cabireen in Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiye Faysal uu yahey ‘Baroortu orgiga’ Ka Weyn taas oo ay u Sibir Saarayaan, in uu Wali Dabada ku hayo Weerarkii dhinaca Afka ahaa ee uu Warbaahinta u Mariyay Faysal Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, hadalkaas oo ka Xanaajiyay, Madaxweyne Geele iyo Saaxiibkiisa Laxmiga ah ee Madaxweyne Biixi.

Isku soo Wada Duub oo Sad Badan oo Bulshada Reer Somaliland ah ayaa oyaguna Geestooda u arka in Dacwadan iyo Dagaalka dibada usoo Baxey ee u dhexeeya Madaxweynaha Waxa ay si aad ah u Haddaanu Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanu Wali aheyn mid Nabsi ah oo ku qotoma labadii Xaqdaro ku heshiisay Xaqey ku Coloobaan balse, Dhinacyada kale ka Socota Wadamada jaarka ah islamarkaana, Qeyb ka ah mud lagu soo afjarayo hanaanka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada Nidaamka Xisbiyada ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here