Libdho Cusub Oo Dawladnimo oo U Soo Baxdey Somaliland Bariisadii Ugu Danbaysey, Dhiirashadeeduna Waxay Ku Dhigmi Doontaa Taariikhda. Qalainka: C/raxmaan (Jeesto).

0
1245
C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Umada reer Somaliland waxay in badan naadiyeen Dawladnimo nidaamkeeda la isaga daba-yimaado oo ku saleysan isla xisaabtan lagu kala soocayo lahaanshaha shakhsi wax-u-gaar ah iyo Lahaanshaha wax umadi wada leedahay, Taasi oo ah Hantida Qaran uu yad ahaan u leeyahay masuuliyadeedana ay hayaan shakhsiyaad muwaadiniin ah oo loo igmadey heerkay doonaanba ha noqdaane, Hadaba jaan-goynta Dawladnimada dhabta ahi waa sida loo isticmaalo Hantidaa Qaranka ka dhaxeysa ama ay u maareeyaan hogaanada loo igmadey, Waxaaney ku soo urureysaa laba qodob mid uun “ Dawladnimo xalaala Ama Dawladnimo xatooyada lagu heshiiyey”.

In xatooyo lagu heshiiyo aduunka waxa looga yaqaanaa Musuq-maasuq (Corruption), Oo ah faysarka dila ama bahdila Dawladnimada umadahana ka xumeeya dhaqanka suuban iyo hiigsiga san, Sidaa awgeed dilaagan Dawladnimada cadawga ku ah aad baa lays kaga ilaaliyaa Caaalamka waxana loola dagaalamaa si xag-jir ah, Dawladii ku sifawdaana ma taaba-gasho hogaanka iyo hilaaduna way ka xumaadaan taasoo aakhirka sababta bur-bur Dhaqan-dhaqaale amaba mid damiir ahaaneedba, Duwelka aduunka koonkiisa ka taliyaa waxay ku dadaalaan in aaney sifadaasi ku suuroobin oo ay noqdaan kuwo waadixa oo lays xisaabiyo Isla markaana ku dhaqma nidaamka Dawlad wanaaga iyo Is-xisaabinta, (Good Governance And Transparncy Accountibility), Qodobkani oo isna noqonaya barta lagu kala sooco waxa loo dadaalayo.

 

Dariiqa dhisida Dawladnimada iyo isla xisaabtanka nidaamkan isagoo ka duulaya ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Muuse Biixi Cabdi dhaqan-galiyey ka shaqaysiinta Hay,adaha baadhida iyo daba-galka hantida qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ay umada u hayaan waa mudadan uu xilka hayo Madaxweynuhuye, Ka dib dar-dar shaqo iyo u kuur-galida ay hay,adu ku sameysay lunsiga hantida qaranka waxay iba-furtey Hay,ado Dawliya oo amuurahaa laga helay, Waxaaney u mareen siiqadii shuruucda dalka yagoo la beegsadey hay,adaha ay khusayso iney talaabo ka qaadaan lunsiga hantida qaranka iyo Waliba Madaxweynihii igmadey oo isagu majaraha u haya hogaanka dalka ugu sareeya shaqadanina ay tahay Siyaasadiisa hagitaaneed.

Kumay koobnaan talaabadii fal-celinta Hay,adaha Hanti Dhawrku qaranku ay xukuumada u gud-bisey balse waxa sidii loogu tala-galey marinkeedii ku hubsadey Hogaamiyaha Qaranka Somaliland, Isagoo ku dhiiradey inuu xilka ka xayuubiyo xubnihii tuhunka baadhitaanku gorfeeyey kuwaasoo ka tirsanaa golaha wasiirada xukuumada isla markaana ka mid ahaa masuuliyiintii ugu tunka-waa-weynaa, Waa talaabo geesi looma habran laguma daawan wixii hay,adu hanti-dhawrku ku soo eedaysay, Marnaba laguma ixtiraamin reernimo, sheeko-caanteyn, iyo khayaaligii hore ee suurada dawladnimo inaga sadheeyey, Xukuumadu yadoo tix-raacaysa aragtida ay aaminsan tahay si qurux badan ayey u suura-galisey sumad ay caan ku yihiin dawladaha aduunku oo sharaf iyo milgo weyn u yeela markay hir-galiyaan, Waa raad saameyn ku yeelan doona dalkeena wax badana ka baddeli doona nidaam dawladeedka qaladka laga fahmay.

Inkastoo shacab-weynuhu carab-baabaan dalku wuu handaraaban yahay waxa halkaa ka muuqata in inta ugu badan shacabka dhaqanka laga xumeeyey, Soomaalida ayaa tidhaahda (Waxay na badeen waxa nagaga daran waxay bareen), Markaa umada waxa loo samaynayaa dhaqan-celin walaw ay ka cawdeen hadana waxay qudh iyo maan u dareemayaan in Musuqu yahay waxa kaliya ee dalkeena riiqey dawladihii hore ee isaga kala danbeeyey, Marka laga reebo xukuumadan maanta talada dalka haysa oo yadu soo af-jartey wax kasta oo marin-habaab iyo mugdi ah oo umadan lagu haloosiyey, Yagoo bulshadu amuurahaa is-barkan ka turjumaya hadana waxay ilaa haatan garwaaqsan yihiin inuu madaxweynuhu talaabo geesinimo ah ku talaabsadey oo ay waliba taariikhdu ku xusi doonto, Waa jawi guuleed ama qodob niyaayir oo ay xukuumadani asiibtay waan ku mahadinaynaa waanan ku bar-bar taagan nahay Sareynta sharciguna waa qabashada ruux kastoo lala xidhiidhiyo ina-han.

Dhaqanka dawladnimo ee dalka maanta albaab cusub ayaa u furmey oo ah in masuuliyiintu gartaan wixii loo igmadey in aaney aheyn quudashada hantida umada balse ay tahay in ay u shaqeeyaan bulshadooda, Sidoo kale baqdin masuulku ka istaago inuu wax-is-daba-mariyo kaliyaatana uu ku eekaado soonaha shaqadiisu u qeexday isagoo waliba si cadaalada oo bilaa khayaamo ah u gudanaya waajibaadkiisa, Rukunkaasina waa bilicda ama hanaan-sanida dawladnimada aynu raadinayno baadi-goobkeeda buq-cadeenan yadoo aan la ictiraafsanayn wax badan qabsatey hadii ay hir-galisey qodobkii ka dhinaa waa hubaal in ay noqonayso Jawharada Geeska Afrika, Waxyaabaha kale shuruudoodii waan camirnay balse tii aynu ka liigaynayna Madaxweyne Muuse ayaa hir-galiyey Ilaahey Cimriga haw barakeeyee.

Waa mucjiso in maanta dawlad yar oo soo yab-yabmeysaa hindisto libin intaa leeg oo aaney cidi ku caawin ama aan lagula talin, Oo ay garteen Siyaasiyiinteedii, axsaabteedii, hogaankeedii iyo cidii masuuliyadeeda haysay, Waayo Madaxweynaha dalku waxa uu ka yimidey xisbi marna waa hogaankii wakhti-xaadirkan dalka ugu sareeyey, Wax kastoo la fuliyaana waa aragtidiisii ama hilaadiisii siyaasadeed waanan u bognay sida la wada ugsoon yahayna doorkaasi ku camal-falkiisu waa raad lagu raysan doono mudo aan dheerayna la dhitaysan doono raandhiiskiisa, Ku dhawaad labaataneeyo sanadood maantaa Dawladnimo san inoo kaw ah sidaa awgeed waan ku dhiirinaynaa Madaxweynaha Dalka waxaanan u sheegaynaa in Sooyaalku xusi doono sadaro qaaliyana ku yeelan doono safxadaha taariikhda waliba kuwa dheemana.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Analysts

Gabiley /Somaliland.

Email: Abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here