Laba Gabdhood oo Arday Ahaa oo Ku Geeriyooday Roobab Ka Da’ay Jabuuti

0
818

Djibouti (Hargeisa Press) – Roobab Shalay illaa Xalay ka da’ayey Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku dhintay laba Qof oo haween ahaa.

Laba hablood oo la sheegay inay ahaayeen Arday ayaa Geeriyooday, ka dib markii laydh ku qabsaday Magaalada Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen Ciidammada Booliska ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Booliska oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jabuuti ayaa sheegay in Roobka oo muddo dheer da’ayey uu sababay Laydhka waxyeelo soo gaadho, waxyeelladaasina sababtay inuu qabsado labada Hablood ee Ardayda ah.

Waxa jira khasaare fudud oo Roobabka muddada dheer da’ayey ka dhashay, sida Biyo badan oo fadhiistay meelo ka mid ah Faras-magaalaha Jabuuti.

Bishii u dambaysay Roobab xidhiidh ah ayaa ka da’ayey Dalalka Geeska Afrika, sida Somaliland iyo Jabuuti.

 

Hargeisa Press.com/Jabuuti Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here