Somaliland oo Samaysay Shirkad Keenaysa Laydhka Jaban Ee Itoobiya

0
1682

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Somaliland iyo Shirkadaha tamarta, ayaa waxa la sheegay in ay samaysteen ​​shirkad ujeedo gaar ah leh (SPV), sida ku cad talada Itoobiya ee Korontada (EEP) si loo xaqiijiyo isku xidhka tamarta jaban ee Itoobiya.

Shirkadda SPV, Tayo Energy Transmission Company (TETCO) LTD, ayaa laga sameeyay Somaliland si ay u fuliso mashruuca isku xidhi doona Somaliland iyo khadka Itoobiya.

Xog uu helay wargeyska Capital, ayaa sheegeysa in dhawaan shirkad gaar loo leeyahay oo ka howlgasha Somaliland ay xidhiidh la samaynaysay koronto dhaliyaha ay dowladda Itoobiya leedahay, kaasoo sidoo kale mas’uul ka ah dhoofinta korontada, si ay Somaliland iyo Itoobiya ugu xidhaan xadhkaha si ay koronto u dhoofiso dalka Somaliland.

Hase yeeshee, waxaanu isla garanay inay Somaliland ka hawlgalaan dhawr shirkadood oo kuwa adeega ah, markaa waxaanu la xidhiidhnay dowladooda inay la yimaadaan hal hay’ad u sahlaysa EEP inay si habsami ah u iibgeeyaan tamarta.” ayuu Maxamed Faarax u sheegay wargeyska Capital.

Waxa uu sheegay in mar haddii xariiqdoodu gaadho xuduudka Itoobiya aanay adkaan doonin in la bilaabo dhoofinta tamarta jaban ee Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, baahida loo qabo hal xarun oo udub dhexaad u ah si ay u galaan heshiis, ayaa lagu sheegay mid muhiim ah.

“Waxay ila tahay in samaynta SPV ay qayb ka tahay taladayada,” ayuu raaciyay.

Maxamed Faarax, oo ah maamulaha shirkadda TETCO, ayaa Capital u sheegay in shirkadu ay tahay mid ay iska leeyihiin shirkadaha bixiya adeegyada tamarta, dowlad iyo maalgashadayaasha.

“Waxaan ku talo jirnaa inaan u adeegno dhammaan adeeg bixiyayaasha tamarta Somaliland,” ayuu ku sharraxay email ahaan.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in abuuritaanka shirkadani uu yahay mid ay ku qabanayso mashruuca xadhkaha goosashada iyo qaybaha kale ee la xidhiidha oo ay ku baxayso lacag lagu qiyaasay 200 oo milyan oo dollar oo ay ku baxayso shirkadaha gaarka loo leeyahay, dowlada Somaliland iyo daneeyayaasha caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma aanu shaacin cidda ay noqon doonaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

“Anaga oo ku saabsan Bilawga Mashruuca waxa noo qorshaysan in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabo, waxaana filaynaa in uu noqon doono saddex waji, wejiga koowaad waxa uu ku dhamaan doonaa laba sano iyo wax ka yar” ayuu yidhi.

Somaliland waxa hadda ka shaqeeya ilaa 15 shirkadood oo waaweyn oo bixiya adeega korontada.

Marka mashruucan la bilaabo, ayaa lagu qiyaasay in uu qaadan karo hal sano iyo badh ilaa laba sano, halka shaqada dhinaca Itoobiya ay ka yaraan doonto.

Kaabayaal dhaqaale oo baaxad leh oo ka jira Somaliland, maadaama ay ku xidhan tahay ilaa saddex dal. “Mashruuca Wershada Dabaysha ee Caysah oo ku taal degmada Shiniille oo ka tirsan deegaanka Sitti ee gobolka Soomaalida, waxa uu aad ugu dhow yahay xuduudka Somaliland, khadkaas oo qaadi kara 230 KV, iyada oo maalgashi yar oo Somaliland ah laga rabo. si loo xaqiijiyo xidhiidhkaas.

“Waxaan filaynaa in dhererka guud ee gudbinta uu noqon doono ilaa 500 KM oo qaadi kara 220 KV ama 400 KV, tirada saldhigyada weli lama dhameystirin,” ayuu yidhi madaxa TETCO.

Wargeyska Capital wuxuu ogaaday in dowladda Somaliland oo adeegsanaysa SPV ay ku biirtay TETCO si ay u xaqiijiso dalabka dhinaca Itoobiya ee ah isku xidhka labada qaran.

Shirkadda cusub ee la aasaasay, ayaa mas’uul ka noqon doonta qaybinta tamarta korontada ee Somaliland.

Ilaa hadda magaalada xuduudka ah ee Wajaale ee Somaliland oo la wadaagta Tog Wajaale oo ka tirsan magaalada xuduudka Itoobiya, ayaa lacag jaban kaga soo gelaysa awoodda Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, magaalooyinka waaweyn ee sida Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, ayaa isticmaala tamarta naaftada ah ee ay bixiyaan shirkado badan.

Qiimaha Laydhka ee Somaliland waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya adduunka, halka qiimaha Itoobiyana uu yahay mid jaban. Waxana la sheegay in Itoobiya ay awood balaadhan u leedahay in Somaliland ay tamar u hesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here