Laascaanood: Dhalinyaro Loo Qaadanayo Dab-demiska Laascaanood Oo Imtixaan Laga Qaaday

0
754

Laascaanood (HP): Ciidamada Dab-damiska Somaliland iyo Dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa maanta imtixaan ka qaaday dhalinyarro la doonaayo in ay ka mid noqdaan ciidamada Dab-damiska ee degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhalinyaraddan Imtixaanka laga qaaday oo tiradoodu ahayd 150 xubnood ayaa u tartamaayey 25 boos oo ah ciidamada Dab-damiska degmada Laascaanood iyo gobolka Sool.

Waxaanay noqon doonaan dufcadii ugu horeysay eek amid noqda Ciidamada Dab-damiska Somaliland waaxda gobolka Sool, gaar ahaana degmada Laascaanood.

 

Munaasibadii dhalinyaradan imtixaanka lagaga qaadayay oo ka qabsoontay garoonka kubbadda cagta Cabdi Bille Cabdi, ee magaaladda Laascaanood waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Sool, maayarka Laascaanood iyo masuuliyiin ka socday ciidanka Dab-demiska.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here