Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Oo Dawlada Gacanta Ugaliyay Itoobiyaan Tira Badan Oo Isugu Jira Tahriibayaal Iyo Kuwa Laga Soo Uriyay Magaalooyinka

0
880

Tog-Wajaale, (HargeisaPress) — Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee Saldhigeedu yahey Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ayaa, Dawlada Itoobiya ugacan galiyay tirada dadkii ugu badnaa ee u dhashey Dalkaasi Itoobiya oo isugu jira Tahriibayaal laga soo qabqabtey Gudaha Somaliland iyo dad kale oo laga soo raafey Magaalooyinka dalka kadib markii mudo  loo qabtey in ay ku laabtaan dalkoodu ka dhamaatey.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigoodu yahey Xarunta Socdaalku ku leeyahey Tog-Wajaale,oo hadhwanaagnews uga warmey tirada dadka ay ugudbiyeen Arbacadii maanta Dawlada Itoobiya ayaa, sheegay in ay saraakiisha Itoobiya ee dhigooda ah ku wareejiyeen tiradii ugu badneyd ee dad u dhashey dalkaasi oo isugu jira Tahriibayaal iyo dad laga soo raafey Magaalooyinka Waaweyn ee dalka.

 

“Waxaanu 48 saac ee u danbeeyey dalka ka saarnay dad u dhashey Dalka Itoobiya oo tiradoodu dhantahay 1144 qof kuwaasi oo laga soo qabqabtay deegaanada Oog Caynaba Berbera Hargeisa iyo Tog-Wajaale dadkaasi waxaa ay isugu jiraan tahriibayaal dad kale oo sifo sharcidaro dalka ku joogay kuwaasi oo uu bixitaankoodu la xidhiidho amarkii dhawaan laga soo saaray waxaana laga caawiyay in gaadiid bilaash ah oo dawladu leedahay lagu soo daadgureeyo si ay dalkoodii dib ugu noqdaan waxaa ay isugu jiraan dadkan dalka laga saaray 727 qof oo laga soo daad gureeyay deegaanada gudaha Somaliland inta ku siman Degmooyinka iyo Magaalooyinka Oog, Caynabo, Berbera iyo Hargeysa 343 qof oo iyagu iskood uga soo baxay magaalo Hargeysa kuwaasi oo si iskood ah u soo raacay baabuurta rakaabka ee isaga goosha Hargeysa iyo Tog-Wajaale 74 qof oo aanu ka qabanay Wajaale iyo nawaaxigeeda waxaana ay guud ahaan dadka 48 saac ee u danbeeyey dalka ka baxay noqonaysaa 1144 qof ilaa hadana waa ay socdaan dadka sifaha sharcidarada ah dalka somaliland ku joogay ee baxayaa waxaan aad iyo aad u soo dhaweyneynaa in talaabadani waxbadn  ka taridoonto Amarkii iyo go,aamadii ay soo saartay Wasaarada Arimaha Guduhu taasi oo isugu jirtay ganaax culus xadhig iyo waliba cida caadaysata ama lagu qabto marlabaad  dad tahriibayaasha ama sifo sharcidaro ah dalka ku galinaysa in ay dawladu kala wareegidoonto gaadiidka lagu qabto ama lagu siday waana talaabo wax ku ool ah sababi doonta in ay joogsato arintan tahriibintu waxaa kale oo xusid mudan in guud ahaan ay ciidamada kala duwan ee somaliland sida Ciidanka qaranka Ciidanka Booliska iyo ciidanka socdaalkuba si wada jir ah arintan uga hawlgaleen kuna guulaysteen in ay xeryo badan oo tahriibayaasha lagu ururinjiray cagta mariyaan”Sidaa waxa yidhi Taliyaha Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan.

 

 

 

Tahriibayaasha2

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa.”Waxaa kale oo guul ah in guud ahaan xuduudka dheer ee aynu wadaagno dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya meelihii ay tahriibtu ka soo gudbi jirtay ay xidheen oo ka hawlgaleen ciidanka qaranka somaliland sida deegaanada Magaalo-cad,Godka carada, Geed-balaadh,Allaybaday,Farawayne, Baligubadle,Inaguuxaa in ay saaka ka hawlgaleen Ciidanka Qaranka somaliland kuna guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan tahriibayaal farabadan waxaanan rajaynayaa in ay 24 saac ee soo socda na soo gaadhsiin doonaan si aanu ugu gudbino dalkoodii”Ayuu yidhi.

 

Isagoo dardaaraya guud ahaanba Gaadiidka isaga goosha Degmooyinka xuduuda ku teedsan iyo Caasimada Hargeysa dirawaliinta,iyo dhalinyarada tahriibta ka shaqeysta waxa uu yidhi.

 

“Gabagabadii waxaan uga digayaa cidkasta oo arintaasi tahriibayaasha faraha kula jirtay in ay ka waantoowdo cidii lagu qabtana waxaa ay mutaysandoontaa go,aamadaasi culus ee laga soo saaray,tahriibta  iyo cid kasta oo ku shaqo lehba hadey tahey Gaadiid iyo hadey tahey Dhalinyarada ku hawlan intaba”.

 

Ilaa iyo hada Lama oga in hawlgalka noocan ahi sii socon doono iyo in uu noqon mid ku siman maalmaha hore.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here