La Wareegidda Gawaadhida Shacabka Ma Keeni Kartaa Kacdoon Dadweyne?

0
2961

Hargeisa (Hargeisa Press)- 23-kii bishii April ee sanadkan ayay ku beegnayd markii ay xukuumadda Somaliland shaacisay in aan dalka la keeni Karin  Qaadka oo dalka laga joojiyay muddo 25 maalmood.

Kadib markii shir ay wada yeesheen guddiga heer qaran ee  ka hor taga caabuqa Coronavirus ee Somaliland iyo guddiga ganacsatadda Qaadka ka keena dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, ahna guddoomiyaha guddiga heer qaran ka hor taga Corona, ayaa isla maalintii ay heshiiska wada gaasheen guddiga Qaadleyaasha waaweyn ee dalka, waxa uu sheegay in cidii isku dayda in ay magaalooyinka Somaliland Qaad soo geliyaan in ay xabsi ku mutaysan doonaan, Qaadka-na la gubi doono, isla markaana gaadiidka lagala wareegi doono.

Inkastoo ay heshiis ku gaadheen guddiga Qaadleyaasha iyo guddiga ka hor taga Covid-19, wixii mudadii joojinta Qaadka loo cayimay kadib bilaabmay in dad hore Qaadka uga ganacsan jiray iyo dad kaloo cusub ay bilaabaan in ay si dhuumaalaysi ah Qaadka ku soo geliyaan magaalooyinka Somaliland.

Markii la gaadhay xiligii loo qabtay in aan dalka Qaadka la keeni Karin, waxaa goboladda Somaliland lagu qabtay Qaad kumanaan Kiiloo ah, dadkii watay iyo gawaadhidii ay ku sideen Qaadka.

Qaadkii la qabtay goob fagaare ah ayaa lagu gubay, baabuurtii Qaadka lagu sidayna dawladda ayaa ala wareegtay, sidoo kale dadkii Qaadka watay dhamaantoodba waxaa lagu xukumay xabsi dhan saddex sanadood iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo shillinka Somaliland ah, qofkii walba.

Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hawl-galadii ay ciidamadda boolisku kaga hor tegayeen Qaadka magaalooyinka Somaliland, gaar ahaana gobolka Maroodijeex.

Marka dhinac laga eego in ciqaabta ay mudan yihiin la marsiiyo cidii jebisa go’aanka dawladeed waa mid loo baahan yahay, maadaama oo ay xukuumadu shaacisay tallaabadda laga qaadayo cidii falkaasi gasha.

Hase yeeshee waxay weli su’aali ka taagan tahay qodobadda sharci ee loo cuskaday  xukunka dadkii Qaadka soo gelinayay magaalooyinka iyo sidoo kale in gaadiidkii ay wateen lagala wareego. Marka laga reebo gubista Qaadka oo iyada loo arko khasaare sahlan.

Sababtoo ah, ma jiro sharci ama xeer ciqaabeed ka yaalla xukumadii dadkaas loo cuskaday. Taasoo ay si weyn bulshadda Somaliland isku waydiinayaan.

Geesta kale arrinta labaad ee ka degi wayday bulshadda reer Somaliland ayaa ah in dhamaantoodba lala wareego gawaadhidii lagu qabtay Qaadka, tallaabadaasi oo ay dad badani u arkaan in xukuumadda ku keeni karto kacdoon shacab oo dhibaato ku noqda amaanka iyo kala danbaynta.

Sida ka muuqatay muuqaal ay maanta baraha bulshadda ee Internet-ka ku baahiyeen taliska ciidamadda booliska Somaliland dhamaanba baabuurtii Qaadka lagu soo qabtay labadii todobaad ee u danbeeyay ayaa laga bedelay astaamihii muujinayay in ay yihiin baabuur shacab leeyahay.

Tiradda ugu badan ee dadka Qaadka lagu xukumay iyo gawaadhiga lala wareegay ee ugu badan ayaa ka dhacday gobolka Maroodijeex, inkastoo goboladda dalka ay ka dhaceen mid ama laba dhacdo oo arrintaasi la xidhiidha.

Gawaadhidaasi oo gaadhaya ilaa konton baabuur oo isugu jira noocyo kala duwan, waxaa  ayaa lagu buufiyay  astaamaha iyo calaamadaha muujinaya in ay yihiin gawaadhi ay leeyihiin ciidamadda booliska iyo milateriga Somaliland.

Tallaabadaasi ayaa loo arkaa mid ay ka muuqato masuuliyad darro dawladeed, u awood sheegasho shacbi iyo in sifo aan sharciga dalka iyo dastuurka toona waafaqsanayn lagula wareego hantidii shacabka iyo xukuno aan loo marin dariiq sharci ah.

Iyadoo la filayo in ay bulshadu mucaaradad iyo waxyaabo aan loo baahnayn ay kala hor yimaadaan xukuumadda, isla markaana ay faraha ka baxdo isku duubnidii iyo wada jirkii bulshadda Somaliland.

Hadaba, maxaa laga filan karaa qofka muwaadinka ahaa ee halkii baabuur ee uu qosykiisa ugu xamaalayay lagala wareegay, isagiina lagu xukumay saddex sanadood oo xadhiga, iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo lacagta Somaliland ah.

Ma laga yaabaa in qoysaska dadkii sidani ku dhacday iyagoo kaashanaya ama gacan ka helaya cadowga Somaliland in ay ku kacaan waxyaabo dhibaato iyo khal-khal aan xalkiisa loo maarro haynin ay dalka ka abuuraan.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa ku tilmaamay tallaabadani in cid u jeedo gaara ka leh arrintani in ay hoos dhigeen madaxweynaha, isla markaana ay doonayaan sidii dalka ay uga dhici lahaayeen fad-qalalooyin sababa nabadgeliyo darro.

Waxaana loo arkaa in aanu madaxweynuhu ka fiirsan am aka baaraan-degin soo rogista go’aankii Qaadka dalka lagaga mamnuucayay in muddo kooban dalka laga joojiyo.

Iyadoo xubnahaasi ay hoos dhigeen madaxweynaha, iyagoo dareensan inuu ka aqbalayo si ay uga faa’iidaystaan danaha iyo ujeedkoodda qorshaysan ee ay ku doonayaan in xukuumadda laga hor keeno shacabka.

Waxaana jira oo soo baxayay maalmahan aragtiyo ama waxyaabo macquul ah oo muujinaya in tallaabadan ay ka danbeeyeen shaqsiyaad xidhiidh la leh dawlado ay cadaawadi ka dhaxayso dalka Itoobiya, kuwaasoo ay soo wakiisheen dawladaha Itoobiya colaadu ka dhaxayso.

Si ay u dhaawacaan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana hoos ugu dhigaan dhaqaalaha Itoobiya, maadaama oo Itoobiya uu dhaqaale aad u fara badani ka soo geli jiray Qaadka ay Somaliland u soo waarido.

Xubnahaasi madaxweynaha Somaliland hoos dhigay qorshaha siyaasadaysan ayaa loo arkaa in ujeedkoodii uu wax badani ka fulay, sida arrintii gubista Qaadka la qabto.

Taasoo dhaawac iyo waxyeelayn ku ah in la gubo wax-soo-saarka dal uu idinka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan oo dhinacyo badan leh. Sidoo kale gubista Qaadka ayaa faa’iido iyo in ay ku farxaan u noqotay  cadowga Itoobiya.

Waxaana laga yaabaa in shaqsiyaadkaasi wakiilka u ah dawladaha shisheeye in  ay soo abaabulaan dadkii gawaadhiga laga wareegay xabsiga-na lagu xukumay si ay u waxyeeleeyaan qaranimadda Somaliland.

Iyadoo ka faa’iidaysanaya cadhadda ay ka qaadeen gaadiidka lagala wareegay iyo xubsiga dheer ee lagu xukumay dadkoodii.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa loo arkaa mid ay ka dhalan karaan dhibaatooyin si weyn u waxyeeleeya amaanka iyo dawladnimadda Somaliland, iyadoo cadowga Somaliland ay ka faa’iidaysanayaan dadkii falka dulmiga ah lagula kacay.

 

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here