Somaliland: Tukashadda Taraawiixda iyo Tahajudka Oo Laga Joojiyay Masaajidadda

0
1187

Hargaysa (HP): Wasaarada dinta iyo awqaafta Somaliland ayaa shaacisay in laga joojiyay masaajidadda dalkoo dhan tukashadda Salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka oo la tukado xiliyadda Ramadaanta lagu jiro.

Wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil C/laahi Axmed, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo caawa aan masaajidadda laga oogi doonin salaadaha Tahajudka iyo Taraawiixda.

Si looga hor tago fiditaanka caabuqa Coronavirus oo maalmihii u danbeeyay kiisas cusub ay ku soo kordhayeen.

Halkan Ka Daawo Wasiirka Oo Arrimahaas ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here